Mucaaradka Suuriya oo Si Buuxda Gacanta Ugu Dhigay Idlib.

30
0

Saacadihii la soo dhaafay dalka Suuriya waxaa ka dhacay is-beddelo waa wayn, kaddib markii kooxaha mucaaradka ay bilaabeen howlgal loogu magac daray “Radcul Cudwaan”, waxayna si degdeg ah ula wareegeen gacan ku heynta deegaanno ballaaran oo ka tirsan Idlib iyo Xalab oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay la wareegeen gacan ku haynta dhammaan gobolka Idlib ka dib markii ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Macarat Al-Nucmaan, ee koonfurta Idlib.

Hoggaanka mucaaradka Suuriya ayaa sidoo kale sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Khan Shaykhun ee koonfurta Idlib.

Magaalada Khan Shaykhun ayaa tan iyo 2019 waxay ku hoos jiray maamulka Nuseeyriyada Bashaar Al-Asad .

Isku soo wada duuboo, mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay in ay la wareegeen in ka badan 25 tuulo iyo magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo bariga Idlib.

Baaxadda dhulka ay la wareegeen kacdoon wadayaasha ayaa dhan 400 oo kilomitir oo laba jibaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here