Duqaymihii Dhacay 48 Saac ee Lasoo Dhaafay Waxay Sababeen 200 oo Shuhado ah oo Kujira Burburka Guryaha Hoos Tiisa.

17
0

Dr. Hossam Abu Safiya, oo ah maamulaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia, ee waqooyiga Qaza ayaa sheegay shalay Axadii, in illaa 200 oo qof oo shahiiday ay weli ku hoos jiraan burburka guryihii ay daganaayeen, kuwaas oo ay Yahuuddu ku burburisay duqaymo ay ka fulisay waqooyiga Marinka Qaza 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Dr. Abu Safiya waxa uu intaas ku daray, in ciidanka gumaystaha Yahuudda ay xasuuq u gaysteen qoysaska Al-Araj, Al-Baba, Alian, iyo Warsh Agha, wuxuuna sheegay, in cisbitaalka lasoo gaarsiiyay 3 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo kamid ahaa ku dhawaad 200 oo qof oo daganaa dhismayaasha la beegsaday, waxaana nolol ahaan kasoo badbaaday sadexdaas qof oo kaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata  dhakhtarku wuxuu sheegay, in waxa murugada leh ee meeshaas ka dhacay ay tahay, in la maqlayay dhawaaqa qaylada dadkii ku hoos xanibmay bururka guryaha, ayagoo codsanaya in la badbaadiyo, balse wax yar kaddib waxaa mar labaad duqeeyay goobtii diyaaradaha cadowga, taas oo kordhisay dhimashada ka dhalatay weerarkaas.

Sidoo kale dhakhtarku wuxuu tilmaamay in falka lala beegsaday guriga qoyska Al-Araj uu ahaa mid naxdin leh, maadaama guriga ay ku sugnaayeen dad gaaraya 100 qof, waxaana ka badbaaday hal qof oo kaliya oo ka mid ahaa shaqaalaha dharka dhaqda ee cisbitaalka Kamaal Cadwaan, kaasi oo ku guda jiray howl-gallo ay ku baadi goobayaan dadkii ku sugnaa gurigaas.

Shantii bishii Oktoobar ee ina dhaaftay ayay ciidamada gumaysigu hawlgal millatari ka bilaabeen waqooyiga marinka Qaza, waxaana hawlgalkan tan iyo wakhtigaas Kku shahiiday in ka badan 3 kun oo Falastiiniyiin ah, iyo barakaca tobanaan kun oo qof, halka lagu burburiyay dhammaan xaafadihii la degganaa ee ku yaallay waqooyiga marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here