Duqeymaha Cusub ee ay Fulinayso Guutada Al-Qassam Waxay Cadayn u Tahay Khibrada Istaratijiyadeed ee Muqaawmada. (Warbixin)

12
0

Khabiir military oo ku xeel dheer siyaasada bariga dhexe, oo lagu magacaabo General Muhammad Al-Samadi, ayaa mar wax laga waydiiyay duqaymaha ay fulinayso muqaawamada Falastiinyiinta sheegay, in duqeymaha wax iska caabinta Falastiiniyiintu ay ku beegsanayaan saldhigyada Ciidamada ee ku hareeraysan Qaza, kaddib dagaal socday sanad iyo kabadan, ay ku tusinayso in muqaawamadu haysato kayd hub ah oo istaratijiyadeed, kaas oo aysan Yahuuddu illaayo hada wax awood ah u hayn inay soo afjaraan.

Al-Sammadi wuxuu arintan ku sharraxay  waraysi uu siiyay shabakada warbaahineed ee Al-Jazeera, wuxuuna sheegay in iska caabintu ay haysato gantaallada “ARC”, gantaallada riddada gaaban ee loo yaqaano “Rajuum” iyo madaafiicda hoobiyeyaasha.

Hadalka Al-Sammadi ayaa yimid, kaddib markii guutada Al-Qassam garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Xamaas, ay ku dhawaaqeen shalay Isniintii in ay duqeeyeen deegaanka Niriim ee marinka Qaza, waxayna ku beegsadeen gantaalada nooca  “Rajuumka”.

Dhinaca kale, Channelka 12 ee Yahuudda ayaa sheegay, in difaaca cirka ee ciidamada Yahuuddu ay qabteen gantaal laga soo tuuray magaalada Khan Yunis ee  koonfurta marinka Qasa, kuna sii jeeday saldhigyada ku yaalla duleedka marinka Qaza.

Sida uu sheegay khabiirkan milatari, gantaalada Rajumka ayaa wata madax walxaha qarxa ay ku rakiban yihiin, kaas oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 2 illaa 3 kiilogaram, waxaana ay gaadhayaan masaafo dhan 9 KM.

Isaga oo ka hadlaya muhiimadda duqeynta Al-Sammadi waxa uu sheegay, in muqaawmada Al-Qassam ay dirtay farriin ku socota dadka Yahuudda ah ee lagu deegaameyay duleedyada marinka Qaza, taaas oo ah in aanaysan rajo ka galin inay kusoo noqdaan dhulkii horay loogu deegaameeyay, kuna khasban yihiin in xukamadoodu ay heshiiis xabad joojina la gasho muqaawamada.

Waxa uu tilmaamay in xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ku adkaysanayso  in Xamaas aysan dib ugu soo laaban doonin xukunka Qaza, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in gebi ahaanba la burburiyo awooddeeda ciidan iyo mida dowladeed, iyagoo isku halaynaya ciidamadooda ku dhiigbaxaya furimaha marinka Qaza.

Khabiirka milaterigu waxa uu intaa ku daray, in qar iska xoornimada Yahuuddu ay keentay in Ciidamada Sahaayinada  dhabarka loo saariyo guul daro baaxad leh, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in aanay suurtagal ahayn in la gaaro yoolalkaas, marka la eego awoodda ay kooxaha wax iska caabbintu u leeyihiin,  inay sii wadaan dagaalka ay ku xoraynayaan dhulkooda.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin ayaa soo xigtay ilo xog ogaal ah, isagoo sheegay in Yahuuddu ay diyaar u tahay in muqawamada lala galo xabbad-joojin, si loo soo celiyo maxaabiista, waxaana suurtagal ah in heshiis laga gaaro la-haystayaasha ka hor caleema-saarka Madaxweynaha Maraykanka ee dhawaan la doortay ee Donald Trump.

Isla wargeyska oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay, in madaxda hay’adaha amniga iyo kooxda wada xaajoodka ay u caddeeyeen Netanyahu, in la gaaray wakhtigii la soo afjari lahaa heshiisyada lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo, isagoo xusay in kooxda wada xaajoodka farriintoodu ahayd in Yahuuddu ay samayso tanaasul wayn oo dhabar jab ku ah siyaasada Sahaayinadu ku doonaysay inay ku qabsato Jiida Qaza, tan ayaana cadayn u ah in maamulka Yahuuddu uu kudaalay duulaanka gardarada ah ee uu ku qaaday marinka qaza, kaddib 14 bilood oo xasuuq joogto ah ka gaysanayeen Marinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here