Yahuudda oo Xoojisay Beegsiga ay ku Hayso Goobaha Caafimaadka.

11
0

Xuseen Abuu Safiya oo ah Agaasimaha Isbitaalka Kamaal Adwaan ee Waqooyiga Marinka Gaza ayaa ka hadlay qeyb ka mid ah masiibada soo food saartay Isbitaalka, isagoo sheegay in Ciidamada Yahuudda ay duqeeyeen 5 jeer hal maalintii gudaheed.

Abuu Safiya waxa uu ka cawday in kooxaha caafimaadka ay la dhiban yihiin, falalka  wuxuushnimada ah ee ay gumaysigu ku kacayaan, iyagoo si fool xun oo naxariis darro ah u beegsanaya isbitaalka Kamaal Adwaan, waxayna diyaaradaha aan duuliyaha lahayn tuurayaan bambaanooyin ay ka buuxaan firir kuwaas oo waxyeeleeya qof kasta oo dhaqaaqa.

Waxa uu ka digay in xaaladdu ay noqotay mid aad halis u ah, isaga oo xaqiijiyay, in 3 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka ay dhaawacmeen, halka mid ka mid ahna ay xaaladdiisu halis tahay, kaddib markii lagu sameeyay qalliin adag.

Gelinkii hore ee shalay oo Talaado ahayd, ilo caafimaad oo ku sugan gudaha isbitaalka ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay, in ciidamada Sahaayinada ay duqeyn ka fuliyeen fagaaraha Kamaal Adwan, taasoo sababtay dhaawaca 3 ruux.

Xaaladda caafimaad ee marinka Gaza ayaa gaartay meel aad u xun, taas oo ka dhalatay duqeymaha ay ciidamada Yahuudda ku hayaan isbitaalada, iyagoo ka saaray adeegyadii ay u baahnaayeen, isla markaana waxa ay bartilmaameeddsadeen kooxaha caafimaadka iyo gaadiidka gurmadka degdega ah, taas oo ay u dheertahay in aanay helin agabkii loo baahnaa, maadaama marinka muddo dheer ay go’doon ku hayeen gumaystaha Yahuudda, waxayna sidoo kale ka hortageen in dadka bukaannada ah ay daawo uraadsadaan dalka dibaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here