Daadad xooggan oo ka dhashay roobab dabeyla wata ayaa dilay illaa 35 qof, Tobanaan kun oo kalana waxa ay ka barakaceen guryahooda, daadadkaas oo ku dhuftay dalalka Malaysia iyo koonfurta Thailand, halka labada dal ay diyaariyeen hoy iyo qorshayaal daad gureyn ah, iyadoo la filayo in roobab kale ay da’aan.
Maamulka Thailand ayaa sheegay in 29 qof ay ku dhinteen koonfurta dalkaas, halka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ay fileyso in roobabka mahiigaan ah ay sii socon doonaan illaa berri oo Khamiis ah.
Daadadkan oo billowday dabayaaqadii bishii hore ayaa sababay khasaare soo gaaray illaa 155 Kun oo qoys, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse iyada oo ka soo xiganaysa maamulka Thailand.
Waqooyiga Malaysia, saraakiisha maareynta musiibooyinka ayaa Talaadadii sheegay, in 5 qof ay ku dhinteen daadadka ku dhuftay dalkaas, halka Ra’iisul wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim uu sheegay, in 5 maalmood oo ay roobka mahiigaanka ah ka da’ayeen xeebaha bari ee dalkaas todobaadkii hore ay la mid tahay xadiga roobabka da’ay lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo dhibaato wayn ka geystay gobolka waqooyi bari ee Kelantan iyo gobolka Terengganu ee dariska la ah.
Saraakiishu waxay sheegeen, in daadadku ay qarqiyeen dhul aad u badan oo beero bariis ah, taasoo keentay in malaayiin Doollar ay khasaaraan dadka beeralayda ah, sidoo kale roobab mahiigaan ah ayaa waxyeello u geystay waddooyin, guryo iyo xarumo dadweyne oo ku yaalla Kelantan iyo goobo kale oo ka tirsan Malaysia.