Hawlgalladii ugu Danbeeyay ee ay Fuliyeen Muqaawamada Falastiin.

15
0

Waqooyiga Gaza waxaa ka socda dagaallo u dhaxeeya iska caabinta Falastiiniyiinta iyo ciidamada gumeysiga ee gudaha u soo galay gobolka tan iyo shantii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Dhankooda, guutada Al-Qassam, garabka melleteri ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas, ayaa shalay oo Arbaca ahayd shaaca ka qaaday, in dagaalyahanadooda ku sugan bartamaha xerada Jabalia ay u suurtagashay in ay ay dilaan Labo askari oo Yahuudd ah, marka laga soo tago in  ay beegsadeen markab ay leeyihiin ciidamada Sahaayinada oo uu saarnaa madfaca ka hortagga hubka.

Dhanka, Jabalia iyo Beit Lahia, guutooyinku waxay ku dhawaaqeen, in gantaalka Al-Yassin 105 ay la beegsadeen 3 taangi oo ay leedahay Sahaayinadu. Aljazeera ayaana soo bandhigtay sawirada dagaaladii dhex maray guutada Al-Qassam iyo ciidamada Yahuudda ee bariga xerada Jabalia.

Geesta kale, guutooyinka Al-Qudus – garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami – ayaa ku dhawaaqay, in dagaalyahanadooda bariga magaalada Gaza ay u suurtagashay, in ay ku toogtaan askari Yahuuddi ah meel u dhow deegaanka Taqa.

Guutooyinka ayaa sheegay, in dagaalyahanadooda ay ku garaaceen madaafiic hoobiyeyaal ah goob ay ku uruursanayeen askarta gumaystaha ee ku sugneyd khadka saadka ee dhanka Netzarim.

Dhanka bari ee magaalada Rafah ee koonfurta marinka Gaza ayay guutooyinka Al-Qudus ku dhawaaqeen, in ay madaafiic ku garaaceen xafada Al-Geneina, halkaas oo ay ku sugnaayeen askarta cadawga iyo gaadiidkooda dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here