Mucaaradka Suuriya oo ku Dhawaaqay inay Gacanta ku Hayaan Magaalooyinka Rastan iyo Talbiseh ee Baadiyaha Xums.

14
0

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, inay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Rastan iyo Talbiseh oo ku yaalla baadiyaha waqooyiga Xums, halka ay sidoo kale gacanta ku dhigeen magaalada Al-Dar Al-Kabira ee baadiyaha Xums, arinkaas oo imaanaya saacado kaddib markii ay guud ahaan la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Xamah.

Sida ay sheegayaan wararka, ciidamada mucaaradka ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta Labada magaalo, waxaana lagu tiriyaa Labadaas magaalo albaabka laga galo Xums, waxayna ku yaallaan wadada xiriirisa Xalab iyo Dimishiq, iyadoona sii marta Hamah iyo Homs.

Waaxda howlgallada militariga ee mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegtay, in ay weerar ku qaadeen haraadiga ciidamada Nusayriyada oo ku sugnaa wadada xiriirisa Xamah iyo Xums.

Dagaalyahannada mucaaradka ayaa sheegay, in ay isku diyaarinayaan in ay u sii gudbaan dhanka koonfureed, waxa ayna ku wajahan yihiin magaalada Homs oo 40 KM dhanka koonfureed ka xigta magaalada Xamah, taasoo ka dhigan isgoys weyn oo isku xira Dimishiq iyo waqooyiga iyo xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here