Iran ma Awoodo Inay Taageero Ciidan u Fidiso Nidaamka Bishaar Al-Asad Sababahan Awgood. (Warbixin)

14
0

Khabiir dhanka militariga ku xeel dheer oo lagu magacaabo Colonel Hatem Karim Al-Falahi ayaa sheegay, in Iran aysan heli doonin waqti ku filan oo ay gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu diri karto Suriya dhowr arrimood awgood, isagoo xusay in burburka ciidamada wasaaradda difaaca ee Suriya uu weli socdo tan iyo markii laqabsaday magaalada istaratijiga ah ee Xalab.

Al-Falahi waxa uu ku macneeyay – khudbadiisa Al-jazeera- in aanay waqtigu ogolaan doonin in Iran ay u soo dirto qalab milatari iyo inay  kordhiso tirada la taliyaasheeda ku sugan dalka Suuriya, sababo la xiriira juquraafiga oo aan fursad u siinayn inay si dagdag ah usoo gaaraan dalkaas.

Khabiirkan milateri  ayaa sheegay in Yahuuddu aysan aqbali doonin in hub cusub uu soo gaaro Suuriya, maadaama ay doonayso inay meesha ka saarto saameynta Iraan ay ku leedahay dalkaas, iyadoo ay taasi jirto waxaa hadana caqabad wayn ku ah teegeeradan inay gaarto Suuriya  masaafada juqraafi ee u dhexeysa Iiraan iyo Suuriya.

Khabiirkan ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay in xooggaga mucaaradka hubaysan ee Suuriya ay u samaynaya abaabulka  iyo horumarada baaxada leh, mana siin doonaan ciidamada Suuriya fursad ay ku soo celiyaan dheelitirkoodii, dhanka kalana ay ka samaysanayaan difaacyo gobol kasta.

Horaantii maanta oo Jimce ahayd, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay sarkaal sare oo Iran ka tirsan in Tehran ay doonayso inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn u dirto Suuriya, waxayna sidoo kale soo xigatay laba ilood oo kale in Xisbullah ay ciidamo u dirtay Ximis.

Iran waa mid ka mid ah xulafada ugu waawayn ee ay Dimishiq leedahay, waxayna doonaysaa inay kordhiso taageerada ay siiso nidaamkan, Iran ayaa xoojisay joogitaanka la taliyaasheeda militari ee dalka Suuriya u jooga, kaddib kacdoonkii ka qarxay dalkaas 2011-kii.

Al-Falahi wuxuu sheegay, in gacan ku haynta Rastan iyo Talbiseh ay muujinayso burburka baaxada leh ee ku habsaday ciidamadii difaaca ugaga jiray gobolkaas, taas oo keeni doonta in magaalooyin waawayn ay wali gacanta kasii baxaan, taas oo ay ugu wacan tahay gabaabsiga rasaasta, kaddib markii la xakameeyey warshadaha wax soo saarka milatariga ee dalkaas.

Khabiirkan militari ayaa sheegay in ciidamada difaaca ee Suuriya ay isku dayayaan in ay dib u dhigaan hormarada ay gobolka ka samaynayaan ciidamada mucaaradka, waxayna hada bilaabayaan in ay dhisaan xayndaab difaac ah oo ay ku wareejinayaan  magaalada Xims, taas oo ay ujeedadeedu tahay in ay magaaladan difaacdaan, waxaana suuragal ah in uu magaaladan ka dhaco iska horimaadyo adag.

Al-Falaxi ayaa hadalkiisa ku soo koobay, in burburka ku dhacay ciidamada nidaamka Suuriya uu isasootaro tan iyo qabsashadii magaalada Xalab, taas oo muujinaysa in xooggaga Bishaar Al-Asad ay soo wajahday xaalad cakirnaan ah, taas oo keenaysa in ay dib usoo ceshan waayaan dhulkii horay looga qabsaday.

Tan iyo 27-kii bishii hore ee November, kooxaha mucaaradka Suuriya waxa ay dagaallo kula galeen ciidamada nidaamkaas dhowr gobol oo dalkaas ka tirsan. Bishii November 29-keedii, waxay qabsadeen magaalada Xalab, maalintii xigtayna waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen dhammaan maamulka gobolka Idlib.

Kaddib markii ay soo gaba gabeeyeen gacan ku heynta Xalab iyo Idlib, mucaaradka ayaa weeraradooda sii laba jibaaray, waxayna Khamiistii la wareegeen gacan ku heynta magaalada Xamah, kaddib iska horimaadyo rabshado wata oo ay la galeen ciidamada Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here