Ukraine ayaa ka hadashay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay ku lug leedahay xiisadda ka tagaan dalka Suuriya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine Heorhi Tykhi ayaa ku dhawaaqay, in Kiev ay si cad u diidayso eedeymo kasta oo la xiriira ku lug lahaanshaheeda ku aaddan xaaladda ammaan ee Suuriya oo sii xumaaneysa.
Hadalka Tekhi ayaa yimid isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan eedeymaha Iran, oo ah in Ukraine ay taageerto kooxaha mucaaradka ee dalka Suuriya.
Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay, in horumarka kooxaha hubaysan ee Suuriya ay muujinayso, in Ruushku uusan Labo aag ka dagaalami karin.
Tikhi waxa uu yiri, “Khasaaraha wayn ee uu Ruushku ka gaystey Ukraine waxa uu ku kalifay in uu inta badan ciidamadiisa iyo qalabkiisaba kala baxo Suuriya, isaga oo ka tagay xulafadiisa taageero la’aan.”
Arinkaan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo kooxaha hubeysan ay dhawaan la wareegeen magaalooyin iyo deegaanno muhiim ah, kaddib hawlgallo culus oo ay bilaabeen maalmihii lasoo dhaafay.