Cabbaas Araqchi: Bashaar al-Asad xaaladiisu waa mid aan la garanaynin.

15
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa sheegay, in masiirka Bashaar Al-asad uu yahay mid aan la garanaynin, kaddib waraysi uu siiyay telefishan fiidnimadii Jimcaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay, in aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Assad, balse dowrka iska caabintu uu sii socon doona, wuxuuna sidoo kale ka digay in halista Suuriya ay gaarto gobolka oo dhan.

Araqchi wuxuu sharxay, in dad badan ay filayaan dhicitaanka nidaamka Assad, balse waxa uu caddeeyay, in saadaasha macnaha guud ay ka buuxaan khatarro, iyadoo xaaladdu si joogto ah isu baddalayso.

Waxa uu tilmaamay, in Suuriya laga yaabo inay soo wajahdo xaalado halis ah sida dagaal sokeeye, kala qaybsanaan dalka, ama inay si buuxda gacanta ugu dhigaan kooxaha Mucaaradka, isagoo carabka ku adkeeyay in dhammaan dalalka gobolka ay ku heshiiyaan inay taageeraan midnimada iyo madax-bannaanida dhulalka Suuriya, waa siduu hadalka udhigaye.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa subaxnimadii Jimcaha soo gaaray caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, si uu uga qaybgalo shir ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Ciraaq, Suuriya iyo Iiraan, oo looga hadlayay xaaladda Suuriya.

Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan maamulka Ciraaq, Araqji wuxuu la kulmay ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Muxammad Shi’a al-Sudani, iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda, Abdul Laif Jamal Rashid, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa dhiggiisa Ciraaq, Fu’aad Xuseen, iyagoo ka wadahadli doona xaaladda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here