Dhacdooyinkii Ugu Caansanaa ee Dalka Suuriya ka Dhacay 13-kii Sano ee Lasoo Dhaafay. (Warbixin)

46
0

Suuriya waa dal dhaca bariga dhexe oo ay kuu loolamayaan awoodo badan, taas oo keentay in siyaasada dalkaasi ay noqoto mid ay isku cirbiyaan dawladdaha reer Galbeedka iyo reer Bariga oo uu ugu horeeyo Ruushka, dalkan ayaa mudo kabadan nus qarni waxaa taladiisa hayay qoys shiico ah oo kasoo jeeda qabiilka Calawiyiinta.

Mudo 40 sano ah oo ay Bishaar Al-Asad iyo Aabihiis ay talada dalkan iska dhaxlayeen, ugu danbayntii waxaa dalkaas ka qarxay dibad baxyadii guga carbeed, kaas oo ladoonayay in lagu dumiyo maamuladii maqaar saarka ahaa ee dalalkaas ka talinayay.

2011-kii Mudaharaadyadii ugu horreeyay ee looga soo horjeedo Assad ayaa si degdeg ah ugu fiday dalka oo dhan, ciidamada Nidaamkuna waxay kala hortageen inay dad badan jeelasha digaan halka dadka qaarna ay laayeen. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ciidamadii dawladda lagalay dagaallo adag, waxaana markii danbe goostay cutubyo ka tirsan ciidamadii Nidaamka Bishaar Al-Asad, iyadoo mudaaharaadyadaasi ay isu bedaleen kacdoon hubeysan oo ay taageerayeen ciidamo shisheeye.

Isla sanadkaas 2011-kii Duqeymo ayaa lagu garaacay magaalada Dimishiq, waxayna ahayd duqayntii  ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay fuliyaan Jabhadda Al-Nusra oo ahayd garab katirsan Tandiimka Al-Qaacidada Suuriya.

Wadamada Reer galbeedka ayaa walaac ka muujiyay xaaladii markaas kataagnayd dalka Suuriya, waxayna kulan ku qabteen magaalada Geneva, ayagoo ka shirayay in loo baahan yahay isbadal siyaasadeed oo kadaca dalkaas, balse kala qeybsanaantooda ku aadan sidii taas lagu gaari lahaa, ayaa ugu danbeyn keentay in ay xulufo ka samaystaan gobolka, ayagoo taageero buuxda u fidiyay kooxda kurdiyiinta oo ah cumalo uu ku shaqaystaan reer galbeedku.

Bashaar Al-Asad ayaa amar ku bixiyay in ciidamadiisa cirka ay fuliyaan weerardii ugu xumaa oo ka dhaca dalka Suuriya, waxayna duqaymo culus ka agaysteen gobaladii ay ku xooganaayeen ciidamadii mucaaradka ahaa, kooxaha kacdoon wadayaasha ahaa ayaa maamulayay dhul balaaran, taas oo keenatay in uu dagaalku sii adkaado.

2013-kii Xisbullaah ayaa dagaalka Suuriya kusoo biirtay, ayadoo taageero siinaysa Nidaamka Bishaar Al-Asad, dagaaladaas ayaa sababay in taliska Shiicadu uu guullo ka sheegto magaalada Qusayra, iyaga oo hakiyay dhaqdhaqaaqii kooxihii mucaaradka ahaa ee Suniyiinta, garab istaagan ayaa muujiyay dawrka muuqda ee Ururka Shiicada ah ee Xisbullaah uu ku lee yahay dagaalka Suuriya.

Bishaar Al-Asad ayaa dagaalkan u adeegsaday hub kiimiko ah, ciidamada nidaamkaas ayaa weerar culus ka gaystay  bariga gobolka Ghouta ee ay kooxaha mucaaradka ah maamulayeen, taas oo u dhow magaalada caasimada ah ee Dimishiq, duqayntan ayaa galaafatay nolosha dad badan oo rayid ah.

2014-kii Ururka Daacish ayaa si lama filaan ah ula wareegay gacan ku haynta magaalada Raqqa ee dhacda waqooyi bari dalka Suuriya, waxay sidoo kale qabsadeen  dhul ballaaran oo katirsan Suuriya iyo Ciraaq.

Xukuumadda Washington ayaa samaysatay isbahaysi ka dhan ah Ururka Daacish, waxayna billaabeen inay fuliyaan duqeymo xagga cirka ah, taas oo ka caawisay ciidamada Kurdiyiinta inay joojiyaan  korarka xawliga ah ee ay ku socdeen ciidamadii Ururka Daacish.

2015-kii Kooxaha mucaaradka ayaa helay saanad military ayagoona iskaashi la  samaystay dawladdo kale, waxayna heleen hub tiro badan, kooxahan mucaaradka ah ayay usuura gashay  inay maamulaan dhul balaaran oo katirsan waqooyi-galbeed  ee gobolka Idlib.

Ruushka ayaa ku biiray dagaalka si uu u taageero Bashaar Al-Asad, wuxuuna duqeymo xagga cirka ah la beegsaday kooxaha mucaaradka ah, isaga oo taageero buuxda siinaya ciidamada Nusayriyada ee Bishaar Al-Asad.

2016-kii Turkiga ayaa bilaabay duullaan cusub oo uu ku qaaday kooxaha mucaaradka ah ee  Kurdiyiinta, kuwaas oo dagaal adag la galay Turkiga, ciidamadan Kurdiyiinta ah ayaa taageero ka helayay dawladda Maraykanka, waxayna difaacaan danaha ay Washington ka lee dahay mandiqada.

Isla sanadkaas ciidamada  Suuriya oo garab ka helaya dalalka Ruushka iyo Iran, waxaa usuura gashay inay qabsadaan magaalada Xalab, kaddib duqaymo culus oo ay u gaysteen magaaladaas iyo dadkii ku noolaa, taas oo sababtay dhimashada dad badan oo Suniyiin ah.

2017-kii Yahuudda ayaa bilowday duqeymo ka dhan ah ururka Xisbullah, iyadoo ujeedkeedu ahaa in lagu wiiqo awoodda sii kordheysa ee Iran iyo xulafadeeda, waxayna burburiyeen xarumo badan oo ay ciidamada Xisbullaah ku lahaayeen gudaha dalka Suuriya, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Nusayriyada ee Bishaar Al-Asad.

Sanadkaas Ciidamada Kurdiyiinta oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa dagaal adag la galay kooxda  Daacish,  dagaalkan ayaa ka dhacay magaalada Raqqa, taas oo keentay in dhamaan magaaladu ay gacanta usoo gasho kooxaha kurdiyiinta ee  uu Maraykanku ku shaqaysto, sidoo kale ciidamada Suuriya ayaa isla sanadkaas dagaallo adag la galay kooxda Daacish, waxayna ka qabsadeen dhul badan oo ay horay u maamuli jireen.

2018-kii Ciidanka Suuriya ayaa dib u qabsaday bariga gobolka Ghouta, ka hor intaysan dagaallo adag ku galin  deegaamo badan oo dhaca bartamaha Suuriya, dagaaladaas oo ay la galeen kooxaha mucaaradka ah ee Suniyiinta, waxaana u suura gashay inay qabsadaan magaalada Daraa ee isla gobolkaas.

2019-kii Ururka Daacish ayaa lumiyay xaruntoodii ugu dambeysay ee ay ku lahaayeen dalka Suuriya. Isla sanadkaas Waashington ayaa ku dhawaaqday in qaar ka mid ah ciidamadooda ay baaqi ku sii ahaan doonaan  dalka Suuriya, si ay uga hortagaan weerarada ka dhanka ah xulafadooda Kurdiyiinta.

2020-kii Ruushka ayaa taageeray weerar ay qaadeen ciidamada Nidaamka Bishaar Al-Asad, kaas oo ku dhamaaday xabbad joojin Labada dhinac lakala dhex dhigay oo ka dhacday dalka Turkiga, dagaalkan ayay ciidamada Suuriya ee shiicada ah , waxay ku qabsadeen inta badan magaalooyinkii waa waynaa ee uu dagaalku ka socday.

Sanadkan nidaamka Bishaar Al-Asad ayaa ka talinayay waqooyi-galbeed dalka Suuriya, halka ciidamada Turkiga uu taageerayo  ee mucaaradka ahna ay la wareegeen gacan ku haynta dhulka xuduudka ah, sidoo kale ciidamada Kurdiyiinta ayaa maamulayay gobalada waqooyi-bari ee dalkaas.

2023-kii Dhaqdhaqaaqyada wax iska caabinta Falastiinyiinta ayaa weerar ku qaaday Yahuudda, dagaal kaas oo kusoo fiday Lubanaan ayaa keeenay, in ciidamadii Xisbullaah ee ka barbar dagaalamayay Bishaar Al-Asad ay iskaga soo baxaan dalka Suuriya, si ay u difaacdaan dalkooda oo duulaan kala kulmayay Yahuudda, tan ayaana fursad dahabiya siisay kooxaha mucaaradka ah.

2024-kii Kooxo badan oo isgarab sanaya oo mucaarad ku ah Bishaar Al-Asad ayaa weerar saf balaaran ah ku qaaday ciidamada Suuriya, Labo maalin kaddib waxaa gacanta ka baxay magaallada Xalab, waxaana halkaas iskaga firxaday ciidankii Bishaar Al-Asad.

8 maalmood kaddib qabsashadii magaalada Xalab, xooggaga mucaaradka ayaa gacanta ku dhigay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, waxayna maanta qabsadeen caasimada dalkaas ee magaalada Dimishiq,  si ay u dumiyaan xukunka Bashaar Al-Asad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here