Difaaca Madaniga ah ee Suuriya oo ku Dhawaaqay in la Soo Afjaray Howlgalladii Baaritaannada ee Xabsiga Saydnaya.

17
0

Difaaca madaniga ah ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, in la soo afjaray baadigoobka maxaabiista ku jira xabsiga Saydnaya ee baadiyaha Dimishiq,  iyada oo  la helay dad badan oo tobanaan sano ku xirnaa xabsigan, taas ayaana keenaysa in gabi ahaanba lasoo af meeray baadhitaanadii lagu hayay xabsigan, si loogasoo badbaadiyo dadkii muslimiinta ahaa ee ku xirnaa xabsigaas.

Difaaca madaniga ah ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in xabsigan ay ku jireen kumannaan qof oo aan waxba galabsan oo uu xiray nidaamka Bashaar Al-Asad, iyadoo la rumeysan yahay in boqolaal maxaabiis ah xabsigan lagasoo daayay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Difaaca madaniga ah ee Suuriya ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in ay jiraan kumanaan maxaabiis ah oo wali la la’yahay, kuwaas oo qoysaskoodu aysan u suurtagelin in ay helaan macluumaad muujinaya masiirkooda, halka qaar badan oo kamida maxaabiistii la waayayna la helay ayagoo mayd ah.

Kooxaha gurmadka ee sida gaarka ah u tababaran ayaa hormuud ka ahaa baaritaanno lagu sameeyay xabsiga caanka ah ee Saydnaya, iyagoo rajeynaya in ay helaan maxaabiista la rumeysan yahay in ay ku jiraan xabsiyada kale ee qarsoodiga ah oo aan illaa hadda la ogeyn halka saxda ah ee  ayku yaalaan.

Waxaa xabsigan caanka ku ahaa fadeexada ee Saydnaya laga helay xarko adag oo uu ka muuqdo dhiig ku daatay, iyo qalabyo loogu tala galay in dadka lagu daldalo, iyadoo ay sii dheer tahay in la helay aalado ay dadka maxaabiista ah ku garaaci jireen, xilli qoysasku ay raadinayaan masiirka eheladoodii lagu xiray Xabsigan.

Difaaca Madaniga ah ee Suuriya ayaa baaritaanadan u kaashanaya dadka aqoonta u leh xabsiga, iyadoo ay sii dheer tahay macaluumaadka laga helayo dadka ka agdhawaa deegaanka uu xabsigu ku yaallo, kuwaas oo og meelaha laga galo xabsiga iyo qolalka qarsoodiga ah ee uu xabsigan lee yahay.

December 8, 2024-ka, Xoogaga Mucaaradka Suuriya, ayaa waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan xabsiga, oo ay ka soo daayaan maxaabiis isugu jira rag, dumar iyo carruur, kaddib markii ay galeen caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Xabsigan ayaa ku yaalla meel u dhow Saydnaya Monastery, oo 30 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Dimishiq, waxaana la dhisay sannadkii 1987-kii, waxuuna uu u qaybsan yahay laba qaybood oo kala ah Dhismaha Cas, kaas oo loo qoondeeyay maxaabiista siyaasadeed iyo kuwa rayidka ah, qaybta Labaad waxaa loo yaqaanaa Dhismaha Cad, kaas oo loogu talagalay maxaabiista ciidamada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here