Weriyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in 18 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar ay Yahuudu ku qaaday guri u dhow isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia ee waqooyiga marinka Gaza.
Wararka ayaa intaas ku daraya, in ciidamada gumaysigu ay si bareer ah u qarxiyeen guryihii ay deganaayeen dadka reer Falastiin ee ku yaallay agagaarka isbitaalka, waxayna qaybo ka mid ah qaraxyadaasi soo gaareen isbitaalka, taas oo cabsi ku beertay dadka dhaawacyada ah. Mar sii horreysay, diyaaradaha gumaystaha ayaa bambooyinka ku tuuray barxadda isbitaalka, waxaana ku dhaawacmay tiro Falastiiniyiin ah oo gudaha ku jiray.
Waxa uu sidoo kale dab xooggan ka kacay dhowr guri, kaddib markii ay Sahaayinada la beegsatay duqeymo, waxayna qayb ka tahay howlgalada iyo duqeymaha woxooshnima ee ay Yahuuddu la beegsanayso xerada Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.
Dhanka bartamaha marinka Gaza wararka ayaa tibaaxaya, in 7 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay Yahuudda la beegsatay guri ku yaalla Galbeedka xerada Nuseyrat.
Ciidamada difaaca madaniga ah ayaa burburka hoostiisa ka soo saaray meydadka Todoba ruux, kaddib markii ciidamada guumaysiga Yahuudda ay beegsadeen guri ay leeyihiin qoyska Al-Bayoumi oo ku yaalla wadada Al-Saafin ee xerada Nuseyrat ee bartamaha marinka Gaza.
Xafiiska Warfaafinta ee Dowladda ayaa sheegay, in ciidamada gumaystaha ay guriga duqeeyeen, iyagoo og in gurigaasi ay ku nool yihiin 5 qoys oo barakacayaal ah, gumaystaha ayaana damacsan inuu burburiyo nidaamka caafimaadka ee Waqooyiga Marinka Gaza, uuna dhulka la simo dhammaan isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee Marinka.