DEG DEG: Dagaal u Dhaxeeya Maamulka Jubaland iyo Dawladda Fadaralka oo Kadhacay Gobalka Jubada Hoose.

13
0

Ciidamo ka tirsan Maamul goboleedka Jubaland ayaa saaka weerar ku qaaday ciidamada dawladda Fadaralka ee ku sugnaa deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubada Hoose, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid maadi intaba.

Dad ku sugan gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay, in saaka ciidamada Jubaland ay weerar xooggan ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada dawladda Fadaralka, kuwaas oo  waayadaan danbe lagusoo daabulayay  gobalka Jubada Hoose.

Wayadaan dambe waxaa xiisad kacasanaan ah laga dareemayaa gobalkaas, waxaana abaabul xooggan ka waday ciidamo daacad u ah Xassan Sheekh Maxamuud oo doonaya inay talada maamulkaas ka tuuraan Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here