Maleeshiyaadka RSF oo Duqeymo Wuxuushnimo ah ka Geystay Magaalada Omdurman.

13
0

Ugu yaraan 65 qof ayaa ku dhintay, Boqolaal kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii maleeshiyaadka RSF ay duqeeyeen goobo ku yaalla deegaanka Karari, oo dhaca Waqooyiga magaalada Omdurman, halka 5 qofna lagu dilay Waqooyiga Darfur shalay oo Talaado ahayd.

Maamulka Khartoum ayaa sheegay, in duqeynta lala beegsaday boosteejada Al-Hara 17, waxaana madfac lasoo tuuray uu haleelay gaari bas ah oo ku sugnaa goobta, kaas oo gabi ahaanba basbeelay, waxaana ku dhintay 22 qof, iyadoo sidoo kale ay saameysay duqeynta suuqyo iyo xaafado kale, dawladda ayaana ku tilmaamtay falkaas mid xasuuq bani’aadantimo ah oo lala beegsaday muwaadiniin aan is difaaci karin.

Maamulka ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, maleeshiyada RSF waxay gaysteen xasuuqii ugu balaarnaa ee bini’aadantinimo, iyagoo madaafiic ku garaacay shacabka ku dhaqan deegaanka Karari, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 65 qof iyo dhaawaca Boqolaal kala, kuwaas oo buux dhaafiyay isbitaallada.”

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Khartoum, ayaa sheegay, in isbitaallada ay weli soo gaarayaan kiisas isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka shaqaalaha caafimaadkana ay wadaan dadaallo lagu badbaadinayo nolosha dadka dhaawaca ah.

Guddoomiyaha gobolka Khartoum, Axmed Cuthmaan Xamza iyo xubno ka tirsan guddiga ammaanka ee Khartoum ayaa kormeeray goobihii la duqeeyay, iyadoo ay ugu horreyso Al-Hara 17, halkaasoo madfaca uu ku dhacay bas rakaab ah, ayna ku dhinteen dhammaan dadkii ku jiray baskaas, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 22 ruux. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kormeeray Suuqyada Xaafadaha kale, isagoo booqday Meydadka iyo dhaawacyada yaalla Isbitaalka Al-Naw.

Guddoomiyaha Khartoum ayaa cambaareeyay, dilka muwaadiniinta aan isdifaaci karin, taas oo ay maleeshiyadu uga golleeyihiin in ay cabsi geliyaan muwaadiniinta ku nool goobaha nabdoon, ee ay gacanta ku hayan malatariga.

Gobolka Waqooyiga Darfur ee Galbeedka Suudaan, afhayeenka rasmiga ah ee isku xirka barakacayaasha iyo qaxootiga Suudaan ayaa sheegay, in 5 qof ay ku dhinteen, duqeyn ay maleeshiyaadka RSF ka geysteen xerada Zamzam ee ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here