Qatar ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqaday, inay dib u furi doonto safaaradii ay ku lahayd dalka Suuriya, kaddib 13 Sano oo ay si dhamaystiran u xirnayd, arintan ayaa timi kaddib markii talada dalkaas laga tuuray mujrim Bishaar Al-Asad, waxaana maamulka la wareegay ciidamadii kacdoon wadayaasha ahaa ee Suniyiinta.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar oo uu soo jeediyay Afhayeenka wasaarada Majid Al-Ansari ayaa sheegay, in tallaabadan soo celinta Safaaradii Qatar ee Suuriya ay ku soo aadeyso, xili xasaasi ah oo uu dalkan ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay in la wanaajiyo xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal.
Waxa uu intaa ku daray in dib u furista safaaradda Qatar ee Dimishiq, ay sare u qaadi doonto isku xirka hay’adaha ay khuseyso, si loo fududeeyo qulqulka mucaawanada Qatar ee Suuriya, taas oo la doonayo in dib loogusoo celiyo nolosha dadka Suuriyaanka ah ee kasoo laabanaya qaxootiyada dalalka jaarka ah.
Qatar ayaa xirtay Safaaradii ay ku lahayd Suuriya bishii Luulyo 2011-kii, kaddib markii weerar lagu qaaday dhismaha safaaradda oo ay ka dambeeyeen taageerayaasha Asad, iyagoo ka soo horjeeda wararka ay tabinaysay wakaalada wararka ee Aljazeera ee lagu taageerayay kacdoonka shacabka dulman ee Suuriya, xiligaas wixii ka dambeeyay ayaana albaabada loo laabay Safaarada Qatar ee Dimishiq.