Wasiirkii Muhaajiriinta ee Imarada Afqaanistaan Khaliilu Raxmaan Xaqaani oo ku Shahiiday Qarax ka Dhacay Magaalada Kaabuul.

19
0

Wasiirkii Muhaajiriinta ee Imarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan Khaliilu Raxmaan Xaqaani, ayaa ku shahiiday qarax ismiidaamin ah lagula eegtay magaalada Kaabuul ee caasimada dalka Afqaanistaan.

Wakaalada wararka ee France Press oo soo xiganaysa ilo ka tirsan dowladda ayaa sheegtay, in wasiir Khalilu Raxman Xaqqani uu ku shahiiday qarax ka dhacay xarunta wasaarada Muhaajiriinta ee Kaabuul.

Dhanka kale Anas Haqqani oo kamida ehelka Khaliilu Raxmaan Xaqqani, ayaa xaqiijiyay in wasiirka iyo Lix qof oo kale ay ku shahiideen qaraxa, isagoo u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, in uu garab kooda ka baxay Mujaahid geesi ah waligoodna aysan ilaawi doonin naf hurnimadiisii.

Wasiirku wuxuu qayb ka ahaa jilib culustii halganka adag la galay midowgii Soofiyeedka Todobaataneeyadii illaa dhamadka Sideetameeyadii, hogaamiyahan ayaa sidoo kale kamid ahaa ragii garbaha u ahaa Amiir Muaminiin Mulla Cumar, kuwaas oo jilbaha dhulka ugu dhuftay Gaashaan buurtii NATO.

Maraykanka ayaa horay madixiisa usaaray 5 Millyan oo Doollar, wuxuuna ku daray liiska waxa uu ugu yeero Argagixisada Caalamiga ah, Xaqqani ayaa maanta ugu dambayn ku shahiiday qarax Ismiidaamin ah, Allaah waxaan u waydiinaynaa inuu ka aqbalo shahaadadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here