Garoonka Caalamiga ah ee Dimishiq oo Dhawaan la Furi Doona.

11
0

Gegida diyaaradaha ee Dimishiq, oo xirnaa tan iyo markii uu dhacay xukunka Bashaar Al-Asad, ayaa shaqadiisa dib u bilaabi doona maalmaha soo socda, sida uu ku dhawaaqay maamulaha garoonka.

Anis Falouh, oo ah maamulaha garoonka caalamiga ah ee Dimishiq, ayaa yiri, “Allaah idamkii, garoonka waxaa loo furi doonaa sida ugu dhaqsaha badan waxaana u shaqeyn doona si joogto ah.” Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan si dhakhso ah u bilaabi doonaa habka kala hago diyaaradaha maraya hawada Suuriya, kaddib markii la xiray.”

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee France Press ayaa soo arkay, kooxo hubaysan oo lagu daadiyay agagaarka garoonka diyaaradaha, iyadoo shaqaaluhuna ay shaqadoodii ka sii wadanayeen gudaha garoonka, halkaasi oo la dhigay ciidamada amaanka ee ka tirsan maamulka cusub.

Ciidamada Suuriya iyo kuwa ammaanka ayaa ka baxay garoonka subaxnimadii Axadda, iyadoo Hay’at Taxriir al-Sham iyo kooxaha hubaysan ee xulafada la ah ay kusoo wajahnaayeen dhanka magaalada, kuwaas oo kama danbayntii gacanta ku dhigay guud ahaan caasimadda Dimishiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here