Trump oo Dhaleeceeyay, in Ukraine ay Gantaalada Mareykanka u adeegsato Dalka Ruushka.

16
0

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay, in Ukraine ay u adeegsato gantaalada uu Maraykanku keeno bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Ruushka, taas oo muujinaysa inuu Trump wax ka bedeli doono siyaasadda Maraykanka ee Ukraine. Trump ayaa yiri “Aad ayaan uga soo horjeedaa in gantaallo lagu garaaco boqollaal mayl oo ah gudaha Ruushka”.

Trump ayaana sheegay inuu doonayo, in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka kudhawaad saddexda sano socda, isaga oo u sheegay majaladda “Time in” in uu arintaas ugaga dagsanyahay qorshe cusub, balse waxa uu ka digay, in haddii hadda la shaaciyo uu noqon karo qorshahaas mid qiimo beela.

Trump oo 20-ka Janaayo loo caleemo saari doono xilka madax-weynaha Mareykanka ayaa maalmo ka hor kula kulmay magaalada Paris Zelensky iyo madax-weynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Zelensky ayaana kulankaas ku sharaxay baahida ay Ukraine uqabto in la dammaanad qaado amnigeeda. Zelensky ayaana in muddo ah waxa uu raadinayey xubinnimada NATO.

Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa Khamiistii ku dhawaaqay, in xirmo cusub oo gargaar milateri ah la siinayo Ukraine, iyadoo aan la shaacin tirada iyo waxa ku jira xirmadaas.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay, in Mareykanka uu sii wadi doono bixinta xirmooyin dheeri ah oo uu siiyo Ukraine illaa dhammaadka maamulkan.”

Bishii la soo dhaafay, Madax-weynaha Mareykanka ee Joe Biden ayaa ufasaxay Ukraine in gantaalada riddada dheer ee uu keeno Mareykanka ay ku duqeyso gudaha Ruushka, tallaabadaas oo looga dan lahaa in lagu xoojiyo dadaalka Kyiv ee ku wajahan Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here