Maamulka Cusub ee Talada Dalka Suuriya Lawareegay oo Bandow Kusoo Rogay Gobolka Xims.

10
0

Waaxda Hawlgalladda Milliteriga ee Dowladda Ku-meel-gaarka ah ee dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqday, bandow lagu soo rogay Gobalka Xims ee bartamaha dalkaas, kaas oo bilowday xalay fiidkii, bandawgan ayaa soconaya ku dhawaaad 12 saacadood oo illaa waabariga ah, waxaana looga gol lee yahay in lagu sugo amaanka gobalka.

Waxaa xusid mudan in Kacaanka ay hormuudka u yihiin mucaaradka Suuriya ay ku guuleysteen in ay afgambiyaan nidaamka Madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad, kaas oo 8-dii bishan December ka cararay magaalada Dimishiq una gudbay dalka Ruushka, halka ciidamada Nidaamka ay isaga baxeen xarumaha guud iyo waddooyinka waawayn ee magaladaas, sidaasna ay ku soo idlaatay 61 sano oo uu talada dalkaas uu hayay xisbiga lagu magacaabo Baath oo 53 sano  oo kamida ay hayeen reer Asad.

Labo maalmood ka hor, xoogagga kacaanka ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ku meel gaar ah oo uu madaxweyne ka yahay Muxamed Al-Bashiir, taas oo hayn doonta xukunka Suuriya muddo 3 bilood ah, si loosoo dhiso maamul rasmi ah oo uu yeesho dalkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here