Mudaharaadyo Loogasoo Horjeedo Ciidamada Kurdiyiinta oo Ka Dhacay Dalka Suuriya.

11
0

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay, in mudaaharaadyo ay ka dhaceen magaalooyinka Raqqa iyo Al-Hasakah, ee waqooyi bari dalka Suuriya, kuwaas oo lagu dalbanayay in waxa loogu yeero ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ay ka baxaan labadaas magaalo.

Waxa ay intaa ku dareen in ciidamo ku sugnaa goobta uu mudaharaadku ka dhacay oo u badnaa Kurdiyiin ay rasaas xooggan ku fureen dibadbaxayaashii ku banan baxayay magaalada Raqqa, taas oo sababtay dhimashada dhawr qof halka ay ku dhaawacmeen dad kale.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay, in ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya ay xoog ku galeen Isbitaalka Qaranka ee magaaladaas, ayna xireen dhowr qof, waxayna dhakhaatiirtu soo saareen baaqyo dhiig loogu shubayo dadka ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidamadu, si loo badbaadiyo noloshooda.

Magaalada Al-Hasakah, qof rayid ah ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii ay ciidamada isku magacaaba Dimuqraadiga Suuriya ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal dalbanayay in ciidamadaas laga saaro magaalada.

Tan iyo markii ay dalka  qabsadeen xooggaga kacdoon wadayaasha ee Suuriya, waxaa isasoo tarayay dibad baxyada ay dhigayaan dadka ku dhaqan magaalooyinka ay maamulaan ciidamada kurdiyiinta ee sheegta inay yihiin cidamada dimuqraadiga Suuriya, kuwaas oo garab u ahaa Nidaamkii mujrimka ahaa ee Bishaar Al-Asad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here