Ruushka oo weerarro Culus ka Geystay Ukraine .

18
0

Kyiv ayaa sheegay in Ruushka uu weerarro loo adeegsaday gantaallo uu ku qaaday xarumaha tamarta ee Ukraine subaxnimadii Jimcaha, iyadoo qaraxyo laga maqlay dekedda Odessa ee Badda Madow iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Galbeedka Ukraine.

Ruushka ayaa markii dambe xaqiijiyay, in uu weeraray kaabayaasha tamarta ee Ukraine si uu uga jawaabo adeegsiga Kyiv ee gantaallada ATACMS ee uu ugu deeqay Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay, in uu Ruushku dalkiisa kusoo weeraray 93 gantaal iyo illaa 200 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, waana mid ka mid ah weerarradii ugu waynaa ee loo geysta nidaamka tamarta ee dalkaas tan iyo markii uu billowday dagaalka udaxeeya Labada dal. Zelensky ayaa intaa ku daray in difaaca cirka ee Ukraine uu soo riday 81 gantaal oo uu Ruushku leeyahay, sidoo kalena waxay soo rideen 11 ka mid ah diyaaradaha F-16.

Weeraradaas ayaa sababay in magaalada Odessa ay ka dhacdo koronto la’aan baahsan iyo biyo la’aan, iyadoo adeegyadii gaadiidka korontada uu hawada ka baxay,  difaaca cirka  ee Ukraine ayaa qabtay qaar ka mid ah gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

Wasiirka Tamarta ee Ukraine ayaa sheegay in “waaxda tamarta ee Ukraine oo dhan uu ku socdo weerar xooggan. Waxuuna intaa ku daray in shaqaalaha tamarta ay sameynayaan intii karaankooda ah si ay u yareeyaan saameynta xun ee ka dhalatay korontada la’aanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here