Waa Maxay Istaraatiijiyadda Asalka Ah ee Xabashida?.

152
0

Nasaarada Xabashida ayaa leh taariikh cadowtooyo oo ka dhan ah islaamka iyo muslimiinta.

Boqorkii Xabashida ee lagu magacaabi jiray Abraha iyo ciidankiisa oo wata maroodiyaal wexee weerar ku qaadeen magaalada Maka si ay u burburiyaan Kacbada.

Sanadka uu dhacay weerarkas waa Sanadka uu dhashay nabiga SCW.

Waxaa Quranka lagu sheegay sidii loo halaagay Abraha iyo ciidankiisa.

Waxaa kuso dagay dhacdadas Suurad Al-Fiil, Allah SWT wuxuu quraanka kariimka ah ku yiri:

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَابِ الْفِيلِ (1) أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِي تَضْلِيلٍ (2) وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْرًا أَبَابِيلَ (3) تَرْمِيهِمْ بِحِجَارَةٍ مِنْ سِجِّيلٍ (4) فَجَعَلَهُمْ كَعَصْفٍ مَأْكُولٍ (5).

 Sanadkii sagaalaad (9) ee hijriyada, Nabiga SCW waxa uu u diray ciidan uu hogaaminayay saxaabiga “Calqamah Ibn Mujazziz “, si ay xabashida ugala dagaallamaan badda ka hor inta aysan soo gaarin dhulka Islaamka. 

Gaalada Xabashida waxa ay doonayeen in ay magaalada Jeddah kaga soo duullaan dhanka badda oo gudaha u soo galaan dhulka muslimiinta.

Sanadkii 83aad ee Hijriyada, Xabashida waxa ay weerar ku qaadeen magaalada jeddah ayago ka geestay dil, dhac iyo burburin; ilaa markii dambe hogaamiye Cabdi Al-Maalik Bin Marwaan, ciidanka muslimiinta u soo diray Jasiiradda Dahlak ee maanta ku taal dalka Ereteriya. 

Nabiga SCW waxaa laga wariyay xadiis sheegaaya in nin Xabashi ah, uu aakhiro zamanka burburin doono Kacbada. 

Ninkaas oo lagu magacaabo Dulsuwayqateen, oo Xabashi ah.

عن أبي هريرة رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «يُخرِّب الكعبة ذو ‌السُّوَيقَتَين من الحبشة». [صحيح] – [متفق عليه].

Nasaarada Xabashida ah waa dad nuucaas ah, oo cadowtoyadoodu tahay mid qarniyo badan jirtay, nabiga SCW uu sheegay in Akhrio zamanka burburin doonan Kacbada.

 Maadaama gaalada xabashida ah ay yihiin cadow tariikhdas cadowtooyo ay muslimiinta kala dhexeen doonto ilaa akhiro zamaanka, halisna ku ah muqadasaadka muslimiinta, dhulkooda iyo jiritaankooda, waxaa laga marmaan ah in uu jiro kacdoon bulsho oo hadalkiisu yahay iskacaabinta Xabashida hororka ah.

Xabashida Itoobiya ayaa maanta si cad u sheegaya in ay rabaan qabsashada Badda Soomaaliya. Ma kula tahay in arintaas u fududayn karto in ay weeraran Kacbada?

Waa Su’aal u baahan in ay jawaab ka bixiyaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana laga rabo in ay go’aan cad ay ka qaataan iskacaabinta Xabashida, maadama ay shacabka Soomaaliyeed taariikh soo jireen ah u leeyihiin la halganka gumaystaha iyo difaaca Kacbada.

WQ: Axmed Gureey.

Afeef: Soomaalimidnimo marnaba mas’uul kama aha aragtida qoraaga maqaalkan loomana tiirin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here