Maxkamada Ciidamada ee Dalka Pakistaan oo Lagu Amaray inay Xukuno ku Riddo Taageerayaasha Cimraan Khaan.

13
0

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa Jimcihii manta Amartay, in ay ogolaato maxkamadaha militariga in ay soo saarto go’aano ka dhan ah taageerayaasha Ra’iisal wasaarihii hore ee Imran Khan oo hadda xiran.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Cimraan Khan ayaa lagu soo oogay dacwad ah, inay weerareen xarumaha ciidamada intii ay socdeen rabshadihii dhacay sanadkii hore ee ay ku taageerayeen Cimraan Khaan, kaas  oo si adag ugasoo horjeeday siyaasada reer galbeedka.

Guddi ka kooban 7 garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ee Pakistan, ayaa go’aamiyay in maxkamadaha militariga ay go’aanno ka soo saaraan 85 qof oo rayid ah oo dacwadooda la soo gabagabeeyay.

Sannadkii hore, ciidamada ammaanka Pakistan ayaa xiray kumannaan taageerayaasha Khaan ah, kaddib markii ay weerareen xarumaha ciidamada,  In ka badan 100 qof ayaa la horkeenay maxkamadaha ciidamada, balse maxkamadda sare ayaa sanadkii hore xukuntay in dadka rayidka ah aan lagu xukumi karin sharciga ciidamada.

Dawladdu waxay racfaan ka qaadatay xukunkii hore, waxayna ku doodday in dadka rayidka ah ay dambi ka galeen ciidanka, loona baahan yahay in lagu maxkamadeeyo sharciga ciidamada.

Waxaa xusid mudan in Khan oo Pakistan xukumayay intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2022, uu xabsiga ku jiro in ka badan hal sano, kaddib markii ay xilka ka tureen golaha baarlamaanka dalkaas oo ay dabada ka riixayaan dawladdaha reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here