Wasaaradda Warfaafinta ee Suuriya oo ku Dhawaaqday Inay la Xisaabtami Doonto Dhammaan Bahdii Saxaafada ee Garabka u Ahyd Nidaamkii Bishaar Al-Asad.

15
0

Wasaarada Warfaafinta ee dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqday, inay la xisaabtami doonto wariyaashii iyo dhamaan bahdii saxaafada ee ka qayb qaatay dulmigii uu Bishaar  Al-Asad kula kacay dadka reer Suuriya.

Wariyaashan ayaa dhinacooda ka qaadanayay dagaalka ay xukuumadu kula  jirtay dadka kasoo horjeeda Nidaamka Bishaar Al-Asad, ayagoo suurad xumaynaya kacdoonka dulmi diidka ahaa ee ay reer Suuriya kala hor yimaadeen Bishaar Al-Asad.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wariyaashan la horkeeni doono cadaalada lagulana xisaabtami doono falalkii ay ku kaceen, waxayna sheegeen in la helo cadaalad dhamaystiran ay tahay waxay u soo halgamayeen.

Warbaahinta ayaa qayb wayn ka ah dagaalka, iyadoo loo adeegsado borobogaanda laga faafinayo cida markaas cadowga lagu yahay, si looga horkeeno bulshada, waxayna qayb wayn ka tahay jiritaanka dawladaha, waxaana loo adeegsadaa in bulshada laga dhaadhacsiiyo saxnimada maamulka ay u shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here