Wadahadal dhex maray Abuu Muxammed Al- Jowlaani iyo Ergeyga Qaramada Midoobay, iyo Duulaanka Yahuudda ee agagaarka Dimishiq.

14
0

Taliska guud ee maamulka siyaasadda ee dalka Suuriya ayaa shaaca ka qaaday in taliyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya Abuu Muxammed Al- Jowlaani uu magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya kulamo kula yeeshay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya Geir Pedersen oo gaaray caasimadda Suuriya.

Dimishiq, waa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Suuriya, kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii Bashaar Al-Asad; Taliyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya, Muxammed Al- Jowlaani, ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan kooxahaasi la kala diri doono, isla markaana uusan jiri doonin wax hub ah oo aan ka ahayn Illaa Midka Kujira gacanta dowladda.

Dhanka kale, IYahuudda ayaa sii waday duullaanka ka dhanka ah goobaha ay ciidamada Suuriya ku leeyihiin dhowr goobood oo ku xeeran caasimadda Dimishiq.

Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Suuriya ayaa ugu baaqday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabo ay Yahuuddu ku khasbayso inay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso dhulka Suuriya, isla markaana ay uga baxdo goobihii ay gudaha u gashay, taasoo jabinaysa heshiiskii la saxeexday sannadkii 1974-kii.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wariyahaHalkaasi LagaSoo Tebinaayo in kumannaan qoys oo barakacayaal ah ay dib ugu laabteen magaalooyinka iyo magaalooyinka Bariga Ghouta ee baadiyaha Dimishiq ka dib sanado badan oo ay si qasab ah uga barakaceen waqooyiga Suuriya,  Ayadoo hadda  nolosha ay caadi kusoo laabatay magaalada Ghouta ee magaalada Dimishiq jawi farxadeedna ay ka jirto, dadka deegaanka ay kusii qulqulayaan magaalooyinkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here