Mid kamida Hogaamiyaasha Yahuudda oo ku Taliyay in la Weeraro xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

8
0

Hogaamiyaha xisbiga “Israel Beiteinu” ninka lagu magacaabo Avigdor Lieberman ayaa ugu baaqay Kayaanka Yahuudda maanta oo jimco ah in ay si deg deg ah u soo deyso dhamaan maxaabiista Yahuudda ee ku xiran Gaza, ayna ka baxaan marinka Gaza,isagoo ku baaqay in weerar horudhac ah lagu qaado Iran si loo burburiyo xarumaha Nukliyeerka.

Wargeyska  Israel Today ayaa kasoo xigtay Lieberman inuu taageerayo gabagabada heshiiska is dhaafsiga maxaabiista, kaas oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista.

In kasta oo uu taageeray ka tagista Gaza, hadana wargeys Cibraani ah ayaa ka soo xigtay Lieberman isagoo leh “ciidanka Yahuudda waa in ay sii wadaan inay ku raaxaystaan ​​​​xornimo dhammaystiran,” waa siduu warka udhigaye.

Geesta kale, Lieberman wuxuu si adag u dhaleeceeyay heshiiska lala galay Xisbullaah, wuxuuna u arkay inuu khalad yahay, ” Yahuudda waxay ahayd inay qabsato aag 15-km ah oo ku yaalla gudaha Lubnaan oo ay xirto,” ayuu yiri.

Dhaka kale, Lieberman waxa uu aaminsan yahay in khatarta ugu weyni ay ku jirto bacriminta Iran ee hubka Nukliyeerka, isaga oo yiri, “Yahuuddu  kuma sii jiri karto xaqiiqda ah in Iran ay haysato hubka Nukliyeerka.”

Waxa uu intaa ku daray, “Waa in aan weerar horudhac ah ku qaadnaa Iran si aan uga hortagno awoodeeda sii kordheysa, waan burburin karnaa dhammaan xarumaha Nukliyeerka ee Iran, mana aha in aynaan sugin.”

Warbaahinta Israel ayaa si isdaba joog ah u sheegtay in Lieberman uu dhaleeceeyay maamulka Benjamin Netanyahu, oo ay ku jiraan sida uu umaareysay dagaalka iyo mas’uuliyadda weerarkii dhacay Oktoobar 7, 2023.

Wareysi uu horey u daabacay wargeyska Maariv, Lieberman wuxuu ku sheegay in Netanyahu, uu Yahuudda u horseeday burbur uusan garanaynin sida wax loo maareeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here