Duqayn Cirka ah oo lala Beegsaday Xarun ay Qaramada Midoobay ku Leedahay Dalka Suudan.

9
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda “X” ku shaacisay in xafiiskeeda Suudaan la duqeeyay maalintii Khamiista.

Hay’adda Qaramada Midoobay ma aysan sheegin, halka uu ku yaallo xafiiska la duqeeyay, balse ilo-wareedyo ayaa u sheegay mawqica Sky News Arabia, in xafiiska uu ku yaallay deegaanka Yabus oo ka tirsan gobolka Blue Nile ee Koonfur-Bari ee dalka Suudaan, waxaana ka dhashay dhimashada 3 ka mid ah shaqaalaha ururka.

Dhanka Suudan Jawaabtii ugu horeysay ee rasmiga ah ee weerarka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudan ayaa bayaan ay soo saartay Maanta ku sheegtay, in hay’adaha ay khuseyso arinkaas ay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdada, si loo ogaado cidda mas’uulka ka ah.

Waxay intaas ku dartay: “Dowladda Suudaan waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan shaqaalaha caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo sida ay u jecel yihiin badbaadada shaqaalaha bani’aadamnimada iyo inay ka ilaaliyaan khatar kasta.”

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa sii socday duqeymaha dhanka cirka ah oo ka dhacayay deegaano badan oo ka tirsan dalkaas. Jimcaha manta degaano ka tirsan Waqooyiga Darfur ayaa waxaa ka dhacay weeraro hor leh oo geystay khasaare xooggan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Weeraradan cusub ayaa imaanaya wax ka yar labo maalmood kadib weerar argagax leh oo lagu qaaday iskuul ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Nyala ee Koonfurta Darfur, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo u badnaa haween iyo caruur.

Muddooyinkii dambe waxaa si isdaba joog ah u kordhay duqeymaha cirka ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla degaanno badan oo ka tirsan Suudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here