3 Qof oo Mayd ah oo Laga Helay Dhismihii Horay Loogu Khaarajiyay Xassan Nasrallaah.

4
0

Shalay Jimcihii  ciidamada difaaca madaniga ah ee Lubnaan, ayaa burburka dhisme ku dhow magaalada Beyruut ka helay 3 qof oo mayd ah, kuwaas oo ku dhintay weerar  ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen goobtaas, halkaas oo horay loogu dilay  xoghayihii hore ee ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan Xassan Nasrallah, iyadoo wali baadigoob uu ka socdo goobta laga helay maydadkan.

Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa ku warantay, in xubno ka tirsan difaaca madaniga ah ay baadi goob ka wadaan magaalada Haret Hreik ee ku taalla koonfurta magaalada Beyruut 7 qof oo la la’yahay, kuwaas oo  ku dhintay weerarkii lagu dilay Xassan Nasrallah, iyagoo ku sheegay in ay u suurtagashay in ay soo saaraan meydadka 3 qof oo kamida dadkii la raadinayay, kuwaas oo aan illaayo hada la aqoonsan.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, ayaan horay u shaacisay khasaarihii ka dhashay weerarkaas, kaas oo dhulka la simay dhismayaal badan oo ku yaalla xarunta dhexe ee Xisbullaah, taas oo  ku taalla duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut, waxaana loo arkaa mid ka mid ah weerarradii ugu ba’anaa ee ka dhacay gudaha Lubnaan.

Xisbullaah ayaa horay u sheegtay, in 4 sarkaal oo kale lala dilay Nasrallah, oo ay ku jiraan Abbas Nilforoushan, taliye ku xigeenkii hawlgallada Ilaalada Kacaanka Iran, iyo hoggaamiyihii hawlgallada xisbiga ee koonfurta Lubnaan, Ali Karaki.

Xisbullaah ayaa muddo dagaal kula jirtay Yahuudda, ayadoo ku waysay hogaamiyeyaal sar sare iyo saraakiil ciidan, kooxdan ayaa dagaal muddo socday Kaddib, isku dhiibtay Yahuudda, ayadoo heshiis la gashay maamulka Sahaayinada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here