Ciidamada Yahuudda oo Gudaha ugalay Tuulooyin ka Tirsan Dalka Suuriya.

7
0

Ciidamada Yahuudda ayaa gudaha u galay Labo tuulo oo ku yaalla Dooxada deegaanka Yarmuuk ee dhaca gobolka Daraa ee Koonfurta Suuriya, waxayna qirteen in ciidamadoodu ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal Suuriyaan ah oo ku sugnaa tuulada Maaraba, halkaas oo mid ka mid ah dadk deegaanka uu ku dhaawacmay.

Yahuudda ayaa sii wada balaarinta dhulka ay ka haysato dalka Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.

Wakaalladda Wararka ee Anadolu waxa ay sheegtay, in Ciidamada Sahaayinada ay shalay Jimcihii qabsadeen Tuulooyinka Jamla iyo Ma’araba oo ka tirsan Dooxada Yarmuuk, waxayna horey ula wareegeen Tuulooyinka Mazraat Beit Jan iyo Mughr al-Mir oo dhaca baadiyaha Gobolka Dimashq.

Dadka ku dhaqan deegaanadaas, ayaa mudaharaad kaga soo horjeedsaday gumaysiga Yahuudda, waxayna kor u qaadayeen calamada Suuriyada cusub, iyagoo ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo ay kamid yihiin “Sahaayinada ha naga baxda”.

Inta uu socday banaanbaxaas waxa ay ciidamada Yahuudda rasaas ku fureen dadka deegaanadaas ku sugnaa, waxaana halkaas ku dhaawacmay hal qof, lamana oga heerka ay gaarsiisan tahay xaaladiisa.

Ciidamada Yahuudda ayaa gudaha usii galaya dalka Suuriya iyagoo ka faa’idaysanaya inta aysan si fiican usal dhiganin dawladda cusub ee dhawaan ka hanaqaaday dalka Suuriya, kaddib markii talada laga tuuray nidaamkii mujrimka ahaa ee muddada badan ku amar taaglaynayay talada dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here