Falanqeeyayaasha: Washington waxay baaritaan ku haysaa Xukuumada Cusub ee Suuriya Inay Hirgalinayso ku Dhaqanka Shareecada Islaamka. (Warbixin)

4
0

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa isku raacay in dhaq-dhaqaaqa ay Beesha Caalamka gaar ahaan Mareykanka ka wadaan dalka Suuriya ay uga golleeyihiin in lagu tijaabiyo maamulka cusub, gaar ahaan Hay’at Taxriir Al-Shaam iyo Taliyaha guud ee maamulka cusub Axmed  Al-Sharaa.

Wafdi ay ka mid yihiin dublamaasiyiin oo ka socda maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Shalay Jimcihii wada hadal kula yeeshay magaalada caasimadda ah ee Dimishiq Al-Sharaa, waxaana safaaradda Mareykanka ay sheegtay, in Barbara Leaf oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Bariga Dhexe ay la kulantay mas’uuliyiinta Hay’at Taxriir Al-Sham, oo ay ku jiraan hogaamiyayaal uu kamid yahay Axmed Al-Sharaa, si ay uga wada hadlaan mabaadi’da ay ku heshiiyeen Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka.

Ilo wareedyo ayaa Aljazeera u xaqiijiyay, in wafdiga Mareykanka iyo madaxda dawladda cusub ee Suuriya ay ka wadahadleen sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa shacabka Suuriya lana laalilaha Xeerka loo yaqaano Kaysar, iyo sidoo kale in liiska argagixisada laga saaro Hay’at Taxriir Al-Sham.

Qoraaga cilmi-baaraha ah ee Mahmoud Alloush, ayaa ka hadlay arintan, wuxuuna ku tilmaamay in marxaladdan ay tahay marxalad lagu tijaabinayo ujeeddooyinka ay Hay’at Taxirir Al-Sham doonayso inay fuliso, dhanka kale mas’uuliyiintan ka socda dawladda Maraykanka ayaa eegaya  heerka ay le’eg tahay awoodda Taxriiru Al-Shaam, ee ku aadan  dhaqan galinta  amarada ay siinayaan dadka Suuriyaanka ah.

Cilmi baarahan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in siyaasadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ay ka dhex jirto xaalad is khilaafsan oo ku saabsan maamulka cusub ee Suuriya, maadaama ay quwadaha gobolka si degdeg ah u garwaaqsadeen xaaladda cusub ee Suuriya, haddana ay jiraan xooggag Carbeed oo weli ka warwareeganaya inay si toosa u abaraan  dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee xukunka dalkan la wareegay.

Agaasimaha Xarunta waxa ay ugu yeeraan Caddaaladda iyo isla-xisaabtanka Suuriya ee fadhiya Washington Muxammad  Cabdullaahi, waxa uu isaguna fikir ahaan ku raacsan yahay aragtida cilmi baarahan Maxmaed Alloush,  ee ah in beesha caalamku ay baadhitaan ku hayso xukumada cusub, baaritaankaas ayaa ah in xukumadan ay diyaar u tahay ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo in kale, kaas oo aysan aqoon sanayn wadladaha reer galbeedka.

Sidoo kale wuxuu sheegay, in xeerkan layiraahdo “Kaysar” ay mar kale kordhiyeen Sanaterada  Mareykanka, iyagoo doonaya in saxiixa madaxweynaha ee xeerkan la kordhiyo illaa 2029-ka, taas oo muujinaysa in dib u dhiska wadanka aysan suurtogal u ahayn in la ilaaliyo Sharcigan, sidoo kale  wuxuu sheegay kasaarida Hay’ada ee liiska argagixisada ay wali tahay mid miiska saran oo aysan reer galbeedku ku dagdagayn sababo la xiriiri dabagalka ay ku hayaan maamulkan.

Falanqeeyahan ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa, in maamulka hadda jira ee Maraykanku uu la tacaalayo hawlaha ka socda Suuriya, kaas oo aan ilaayo hada lagu aqoonsan dawladda cusub ee dalkaas ka dhalatay, sababo la xiriira inay ka cabsi qabaan in maamulkan uu hirgaliyo shareecada Islaamka, sidaas darteed madaxwaynaha ayaa golihiisa Congress-ka ugu baaqay inaysan ku degdegin aqoonsiga xukuumadan illaa la kala xaqiijiyo fikradooda, waxaa sidaa oo kale aragtidan  qaba madaxwaynaha hada la doortay ee Donal Trump.

Dhankiisa, cilmi-baaraha siyaasadda ee Dr. Muayad Ghazlan, ayaa aaminsan in Suuriyaanka aysan xamili karin xaaladaha caalamiga ah ee xilligan ka taagan dalkaas, maadaama dhaqaalaha dalku uu burburay, bulshaduna u baahan tahay isbeddel dhaqaale.

Cilmi-baarahan ayaa isaguna ku dheeraaday falanqaynta siyaasada dalka Suuriya wuxuuna sheegay, in maamulka cusub uu doonayo in uu furo wadahadalo maalmaha soo socda, Ghizlan wuxuu sheegay in wada-hadalladan ay ku saabsan yihiin is-dhexgalka bulshada, is-fahamka, iyo aasaaska wada-noolaanshiyaha qaybaha kala duwan ee siyaasadda, kooxaha iyo qowmiyadaha, halku dhigiisuna uu noqon doono, “Xasilooni siyaasadeed iyo in aan la dardargelin hanaan siyaasadeed oo natiijadiisu noqoto masiibo qaran”.

Gabagabadii dalkan ayaa ku jiray dagaal socday wax kabadan 13 sano oo xiriir ah, kaas oo talada dalka looga tuuray madaxwaynihii xilka hayay dhawr iyo Labaatanka sano ee Bishaar Al-Asad, waxaana talada dalkaas qabtay xooggag suniya oo ka amar qaata hogaamiye horay ugasoo mid noqday mas’uuliyiintii Al-Qaacida ee bariga dhexe, waxayna  hada dawladaha reer galbeedku ka fikirayaan waxa uu noqon doono maamulka cusub ee ka hana qaaday dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here