Yahuudda Awood ma Uleedahay inay Dagaal la Gasho Xoogagga Xuutiyiinta. (warbixin).

16
0

Wargeyska Maariv ee ka soo baxa dhulka ay Yahuudda xoogga ku haysato ee Falastiin ayaa sheegay, in Sahaayinada ay awoodi wayday in ay ka hortagto Xuutiyiinta Yemen, kaddib markii 30 Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen gantaal laga soo tuuray Yemen oo ku soo dhacay Tel Aviv subaxnimadii Sabtida.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in Yahuuddu ku guul-darraysatay inay ka hortagto Xuutiyiinta, isla markaana ay ku soo toostay goor dambe si ay uga hortagto khatarta ka imanaysa dhinaca bari, halka jawaabta ay ka bixisay khatartaasna ay ahayd mid daciif ah, sida uu sheegay wargeyska.

Waxa uu sheegay wargesku, in ciidamada Yahuudda ay dhibaato kala kulmayaan khatarta Xuutiyiinta Yemen, difaac iyo weerar ahaanba, isagoo intaas ku daray  “Xuutiyiintu wax ka badan sanad waxa ay dhibaato aad u weyn u geysanayaan  guud ahaan dhaqaalaha gobolka, gaar ahaana dhaqaalaha Yahuudda.

Wargeysku waxa uu sharaxay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza 7-dii October 2023-ka, in Xuuthiyiintu ay 121 Gantaal iyo in ka badan 170 Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaaceen dhulka uu ka arimiyo kayaanka Yahuudda, waxana uu sheegay in inta badan Gantaalada iyo Diyaaradaha Drones-ka ay qabteen ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Maraykanka.

Waxa uu intaa ku daray, in Yahuudda aysan u diyaar garoobin dagaalka Xuutiyiinta, sidoo kalana aysan sameysanin isbaheysi goboleed ka dhan ah khatarta Xuuthiyiinta, Mossad iyo sirdoonka militariga ayaa hadda isku dayaya in ay jawaasiis ka dhex abuurtaan gudaha xoogagga Xuutiyiinta, waa sida uu qoray wargeyska.

Ugu danbaytii wargeyska ayaa tibaaxay, in gantaallada Balaastigada ah ee laga soo tuuray Yemen ay awood u yeesheen in ay ka gudbaan nidaamka difaaca ee Yahuudda. Afhayeenka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yaxya Saree ayaana maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay, in duqeyntaas lala beegsaday goob ay ciidamada gumaystaha  ku sugnaayeen oo ku taala magaalada Jaffa ee dhulka la heysto, iyadoo jawaab u ah xasuuqa gardarrada ah ee ay Yahuuddu ka waddo Gaza.

Gantaalka cusub ee Yemen ayaa imaanaya, iyadoo ay  Yahuuddu ku hanjabtay inay weerar xooggan ku qaadi doonto Yemen, kaddib markii ay Khamiistii hore duqeymo xagga cirka ah ku qaadday xarumo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca iyo gobolka Xudeydah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here