Dawladda Imaaraatka Carabta oo Canbaareysay Weerarkii Gaari Jiirsiinta ahaa ee ka Dhacay Jarmalka.

10
0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay weerarkii gaari jiirsiinta ahaa ee ka dhacay magaalada Magdeburg ee dalka Jarmalka, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobaneeyo qof.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay, in Imaaraadku uu si weyn u cambaareynayo falkaas, isla markaana ay si joogto ah u diiddan-yihiin dhammaan noocyada rabshadaha ee lagu bar-tilmaameedsado kuwa nabdoon, oona horseedaya xasillooni darra. Waa siday warka udhigtaye.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri “waxaan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa dawladda Jarmalka iyo shacabka aan saaxiibka nahay, iyo qoysaskii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay falkaas foosha xun, waxaana u rajaynaynaa caafimaad degdeg ah dhammaan intii ku dhaawacantay”.

Imaaraatka  ayaa ah gacanta koobaad ee uu Mareykanka ku xasuuqaya Muslimiinta . Wuxuuna Imaaraatka gacansaar dhaw la leeyahay maamulka Yahuudda ee xasuuqaya ehelkeenna reer Falastiin ee Gaza, Sidoo kale Imaaraatka ayaa gacan wayn kuleh dhammaan qalalaasaha ka socda waddamada Islaamka, oo ay ka mid yihiin Suudaan, Soomaaliya iyo Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here