Yahuudda oo ka Cabsi ka Qabta Hoggaanka Cusub ee La Wareegay Talada Dalka Suuriya.

8
0

Shabakadda Walla oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegtay, in hay’adaha ammaanka ee Yahuuddu ay walaac ka qabaan hoggaanka cusub ee Suuriya, kaas oo aan mawqif cad ka qaadan Sahaayinada.

Dhinaca kale, mareegta wargeyska Yahuudda ee Yedioth Ahronoth ayaa sheegtay, in Yahuuddu ay farriin u dirtay hoggaanka cusub ee Dimishiq, taas oo ahayd in Sahaayinadu aysan aqbali doonin, in kooxo jihaadiyiin ah ay dalkan isku aruursadaan, Yahuudda ayaana ka cabsi qabta in Islaamiyiintu usoo talaabaan dhulka ay gumaysiga ku haystaan ee Falastiin.

Tan iyo markii ay burburtay xukuumadii Bishaar Al-Asad, waxaa sii xoogaysanayay weerarada ay Yahuuddu ku beegsanayaan qaybo kamida dalka Suuriya, kaas oo ay kaga cabsi qabto in dalka uu gacanta u galo kooxo jihaadiyiin ah, waxayna burburisay inta badan hubkii iyo xarumihii wax soo saarka kiimikada ee uu dalkan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here