Yahuudda oo Xiriir Iskaashi la Samaysan Rabta kooxaha Kurdiyiinta ee Dalka Suuriya.

8
0

Yahuudda ayaa ka fikiraysa in ay Kurdiyiinta Suuriya ku caawiyaan qaab aan malatari ahayn, sida warbaahinta Sahaayinada ay ka soo xigatay saraakiil ka tirsan Yahuudda. Sida ay saraakiishu sheegeen, Yahuudda waxa ay ka walaacsan tahay rabitaanka Turkiga ee ah in uu qaado hawlgal millatari oo ballaaran oo ka dhan ah Kurdiyiinta Waqooyiga Suuriya.

Hadalka mas’uuliyiintan ay siiyeen warbaahinta Yahuudda ayaa yimid kaddib kulan ay Axadii Dimishiq ku yeesheen hogaamiyaha Hay’at Tahrir al-Sham, Ahmed al-Sharaa, oo loo yaqaan “Abu Muhammad al-Julani” iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan.

Fidan iyo Al-Julaani ayaa muujiyay, sida ay ugu heshiiyaan inay lama huraan tahay in la kala diro dhammaan kooxaha hubeysan, hubkoodana lagu wareejiyo dowladda oo ay ku jiraan kooxaha Kurdiyiinta.

Dhankiisa, al-Julani ayaa yiri: ” ma ogolaan doono joogitaanka hub ka baxsan gacanta dowladda; sababtoo ah joogitaanka koox hubaysan meel kasta waxay ka dhigan tahay arin khatar ku ah amniga iyo xasiloonida.”

Turkiga ayaa u arka ciidamada Syrian Democratic Forces ee uu Maraykanku taageero inay yihiin cudud ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Ankara waxa ay ka cabsi qabtaa in ismaamul kasta oo Kurdiyiinta Suuriya ay ku dhiiri geliso in ka badan 20 milyan oo Kurdiyiinta ah ee ku nool Turkiga in ay u dhaqaaqaan jiho la mid ah. Ankara ayaa horay u bilowday howlgalo militari oo kuwan la mid ah, gaar ahaan howlgalka Nabadda ee sanadka 2019-ka, markaasoo ay la wareegtay qeybo badan oo ka mid ah Waqooyiga Suuriya si ay u abuurto aag difaac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here