Ciidamada Ruushka oo la Wareegay Tuulooyin Hor leh oo katirsan Dalka Ukraine.

11
0

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in ciidamadeedu ay la wareegeen Labo tuulo oo mid ka mid ah ay ku taalla gobolka Kharkiv, halka midda kalana ay dhacdo gobolka Donetsk ee dalka Ukraine, iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu wadahadallo la yeeshay ra’iisul wasaaraha Slovakia Robert Fico oo booqasho aan la shaacin ku tagay Moscow.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii shalay ku sheegtay, in ciidamada Ruushka ay la wareegeen tuulada Lozova oo u dhow magaalada Kupyansk ee Waqooyiga gobolka Donetsk, iyadoo cadaadiska Ruushku uu sii socday toddobaadyadii la soo dhaafay ee uu ku hayay magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolkaasi, waxayna la wareegeen tuulada Sontsevka, oo ku taalla Waqooyiga Kurakhov.

Maalmihii la soo dhaafay, Moscow waxay xoojisay isku daygeeda ay ku doonayso inay ku qabsato Labo magaalo oo ka tirsan gobolka Donetsk, ciidamadeedu waxay horumar joogto ah ka sameeyeen gobolka Donetsk, iyagoo u dhaqaaqay dhanka tuulooyinka magaalada Pokrovsk, oo ah xarunta sahayda ciidamada Ukraine iyo goob muhiim ah oo laga qodo dhuxusha.

Dhinaca kala, Saraakiisha guud ee Ukraine ma aysan sheegin tuulooyin cusub oo ku dhacay gacanta Ruushka, balse waxay sheegeen, in tuulada Sontsivka ay la kulantay 26 weerar oo Ruushku kusoo qaaday 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Saraakiisha guud ayaa sidoo kale sheegay, in dagaal culus uu ka dhacay meel u dhow Pokrovsk, iyadoo 34 askari oo Raashiyaan ah ay isku dayeen inay jebiyaan difaacyada Ukraine.

Geesta kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shalay oo Axad ahayd wadahadal kula yeeshay Aqalka Kremlin-ka, Ra’iisul Wasaaraha Slovakia, ninka lagu magacaabo Robert Fico, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha fara ku tiriska ah ee reer Yurub, kuwaas oo  xiriirka saaxiibtinimo la yeeshay hoggaamiyaha Ruushka kaddib markii uu bilaawday dagaalkii Ruushka iyo Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka oo ka jawaabayay su’aal ay suxufiyiintu waydiiyeen ayaa sheegay in socdaalka ra’iisul wasaaraha Slovakia oo aan si rasmi ah loo shaacin uu maalmo kooban qaatay.

Wakaalladda Wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganaysa afhayeenka ayaa sheegtay, in kulankaasi la soo gabagabeeyay, isla markaana aysan dhinacyadu war-murtiyeed wadajir ah ka soo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here