Inka Badan 20 ruux oo Yahuud ah oo Dhaawacmay, Kaddib Gantaal laga soo Tuuray Yemen.

12
0

Ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, maanta oo Talaado ah in ciidamada cirka ay qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan gelin hawada dhulka ay gumaystaan ee Falastiin, iyagoo xusay in seeriga laga maqlay meelo badan oo ku yaalla bartamaha dhulkaas, kaddib markii lasoo riday gantaalka.

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan howlgallada militari ee ka dhanka ah Sahaayinada Yahuudda, iyagoo ku nuux-nuuxsaday inaysan joogsan doonin hawlgalladaas, haddii aysan joojinin Yahuudda duullaanka gardarrada ah ee ay ka wadda Marinka Gaza.

Kooxaha gurmadka deg-dega ah ee Yahuudda ayaa sheegay, in dad ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasha, xilli ay u kala cararaayeen gododka looga gabada gantaallada, kaddib markii gantaal laga soo riday dalka Yemen, waxaana dadkaas qaarkood soo food saaray cabsi iyo argagax.

Ciidamada gumaystaha ayaa sidoo kale horay u sheegay, in ay u suurtagashay in ay ka hortagaan diyaarad Drone ah oo laga soo diray dalka Yemen oo ku sii jeeday gudaha dhulka Falastiin ee ay Yahuudda gumaysato.

Yahya Sariic afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta ayaa shaaca ka qaaday, in Labo howlgal ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, hawgalka koowaad ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamada Yahuudda ee ku sugan magaalada Casqalaan, halka midka kalena uu beegsaday deegaanka Jaffa.

Waxaa xusid mudan in kooxda Xuuthiyiinta ay xoojiyeen beegsiga ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Sahaayinada maalmihii lasoo dhaafay, waxayna Sabtidii lasoo dhaafay shaaciyeen, in ay duqeeyeen bartilmaameed militari oo ku yaalla magaalada Jaffa, iyaga oo adeegsanaya gantaal nooca Balaastiiga ah ee “Falastiin 2”, kaas oo sababay dhaawaca 16 Israa’iiliyiin ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen kooxaha  gurmadka deg-degga ah ee Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here