Yahuudda oo Duqayn la Beegsatay Isbitaalka Kamaal Adwaan iyo Nawaaxigiisa.

8
0

9 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday in ka badan 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo isdaba joog ah oo ay Yahuuddu ka geysatay marinka Qaza, saaka waabarigii, halka ciidanka gumaysigu ay duqeeyeen agagaarka isbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga marinka Qaza.

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in 4 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen 7 kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu ka geysatay guri ay daganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Khan Yuunis.

Saddex falastiiniyiin ah oo ay ku jirto qof dumar ah ayaa sidoo kale ku shahiiday duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay Labo guri oo ku yaalla bartamaha marinka Qaza, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuuddu ku qaaday guri ay degan yihiin qoyska Abu Dalal oo ku yaalla xerada Nuseyrat ee bartamaha marinka Qaza.

Waqooyiga Marinka Qaza, wariyaha Aljazeera ayaa sheegay, in ciidamada gumeysigu ay rasaas ku fureen isbitaalka Kamaal Adwan, iyagoo isku mar qarxiyay isbitaalka iyo  guryo ku yaalay agagaarkiisa.

Maalmo kadib markii uu billowday howlgallada ciidamada Yahuuddu ka wadaan Waqooyi marinka Qaza, ayaa isbitaalka Kamaal Adwaan iyo nawaaxigiisa waxaa lagu bartilmaameedsaday gantaallo iyo rasaas ay Sahaayinadu la beegsatay Isbitaalka, iyadoo ay u sii dheer tahay in lagu soo rogay go’doomin adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here