Ciidamada Yahuudda oo Xoog ku Galla ka Wado Magaalada Tulkarm, Halka Dhanka Kalana looga Dhaawacay Sarkaal Sare.

13
0

Ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in taliyaha guutada Woqooyiga daanta galbeed, Gaashaanle Sare Kayuf, uu ku dhaawacmay qarax  ay muqaawamada kula beegsatay isagoo ku sugnaa magaalada Tulkarm.

Iska horimaadyada hubeysan ee u dhaxeeya dagaalyahanada wax iska caabinta iyo ciidamada Sahaayinda ayaa xalay dib ugu soo cusboonaaday xerada Tulkarm, oo dhanka waqooyi kaga beegan Daanta Galbeed.

Warbaahinta falastiiniyiinta ayaa ku warantay in ciidamada guumaysiga Yahuudda ay weerar cusub ku qaadeen xerada, halka dagaalyahanada wax iska caabinta ay qarxiyeen gawaari ay wateen ciidamda gumaystaha oo gudaha u galay xerada Tulkarm.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa xalay shaacisay, in tirada shuhadada ay kor u dhaaftay 8 qof, taasoo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee ay Sahaayinadu ku hayso magaalada Tulkarm, oo ku taalla waqooyiga daanta galbeed.

Ilo wareedyo falastiiniyiin ah ayaa sheegay, in dagaalyahan ka tirsan muqaawamda Falastiin uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray duqeyn ay Yahuudda ka geysatay xerada Tulkarm, taasoo tirada shuhadada ee xeradaas ka dhigaysa 7 ruux, halka mid siddeedaadna lagu dilay duqeyn ka dhacday xerada Nour Shams ee u dhow goobtaas.

Wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee rasmiga ah ayaa ku warantay in diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Yahuuddu leedahay ay duqeysay goob ay ku shirayeen Falastiiniyiin ku sugnaa xaafadda Al-Hamam ee gudaha xerada Tulkarm.

Ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, fiidnimadii Isniinta, in ay billaabeen howlgal milateri oo ka dhan ah magaalada Tulkarm, kaasoo socday illaa Talaadadii shalay, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here