DEG-DEG: 42 Qof oo Rakaab ah oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Dalka Kazakhstan.

12
0

Wasaaradda Gaadiidka ee dalka Kazakhstan ayaa maanta sheegtay, in diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Azerbaijan Airlines oo ka soo duushay Baku kuna sii jeeday Grozny ee dalka Ruushka ay ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee Galbeedka Kazakhstan, taas  oo ay saarnaayeen 67 rakaab ah, waxaana shilkan ka badbaaday 25 qof.

Wasaaradda Gurmadka Deg-degga ah ee Kazakhstan  ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in wararkii ugu horreeyay ay muujinayaan, in ay jiraan dad badbaaday, iyadoo xustay in kooxaha gurmadka ay isku dayayeen inay damiyaan dab ka kacay goobta shilku uu ka dhacay.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa ku waramay, in diyaaradda ay ka soo duushay magaalada Baku kuna sii jeeday magaalada Grozny ee Shiishaan, balse ay leexatay ceeryaamo ka jirtay magaaladaas awgeed.

Maamulka Kazakhstan ayaa sheegay, in diyaaradda ay saarnaayeen 62 rakaab ah iyo 5 ruux oo shaqaale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here