Ciidamada Yahuudda ayaa shalay oo Talaado ahayd qirtay, in howlgallada milatari ee ay ka fuliyeen xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafah ee koonfurta marinka Qaza, dabayaaqadii bishii Agoosto ee ina dhaaftay ay ku dileen 6 qof oo kamida maxaabiistii Yahuudda ahaa ee ku jiray gacanta muqaawamada Falastiiniyiinta.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo guddiga qoysaska maxaabiistu ay maamulka Yahuudda ku khasbeen in dabagal lagu sameeyo dilka shakhsiyaadkaas maxaabiista ahaa ee ku dhintay gacanta Yahuudda.
Ciidamada Yahuudda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in 15-kii Agoosto 2024-kii ay ciidamada qaybta 162-aad qaadeen howlgal ballaaran oo ay kula dagaalamyeen muqaawamada Falastiiniyiinta, kaas oo ka dhacay xaafada Tal al-Sultan ee magaalada Rafax. Hawlgalkan ayaa sababay dhimashada 6 kamida maxaabiistii Yahuudda ahaa.
Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Yahuuddu ay sii waddo xasuuqa ay ku hayso Marinka Qaza, iyada oo taageero ka helaysa Maraykan, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 153 kun oo Falastiiniyiin ah, oo u badan carruur iyo haween.