Dawladda Faransiiska oo Sheegtay Inay Qabteen 107 Qof oo Tahriibayaal Ah.

5
0

Mas’uuliyiin katirsan xukuumada Faransiiska ayaa ku dhawaaqay, in ay badbaadiyeen 107 qof oo Tahriibayaal ah oo doonayay in ay ka gudbaan kanaalka Faransiiska una sii gudbaan Britain.

Maamulka Kanaalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, inay 12 hawlgal oo samatabbixin ah ka fuliyeen xeebaha Waqooyiga Faransiiska shalay Arbacadii, kaas oo lagusoo qabqabtay tahriibayaal badan oo doonayay inay u talaabaan dhanka Britain.

Maamulka badaha Faransiiska ayaa sheegay in 30 qof oo tahriibayaal ah laga soo badbaadiyay subaxnimadii Arbacada dooni ay saarnaayeen, taas oo la maraysay meel u dhow Dunkirk, oo ku taalla gobolka Nord ee Waqooyiga Faransiiska, balse inta badan rakaabkii la socday doonida ayaa sii watay safarkooda, waxaana la xiray isla markii ay soo gaareen xeebaha Britain.

Sannadkan sii dhamaanaya ee 2024-ka waxa si aan hore loo arag u kordhay tirada tahriibayaasha ah ee kanaalkan ka gudbaya, kuwaas oo qaar kamida ay ku lee’daan badda, iyadoo ugu yaraan 73 tahriibayaal ah ay dhinteen xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan kanaalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here