Maxaan kala soconnaa Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaaladii Ka Dhacay Dacawalay.

22
0

Maleeshiyaadka Liyu Bolis ayaa 3 jiho waxa ay maalintii shalay ka weerareen deegaanka Dacawaley, waxaana halaasi ka dhacay dagaal culus, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamo katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.

Deegaanka Dacawaley oo kaliya kama dhicin dagaalada, ee waxa ay maleeshiyaadka u shaqeeya Xabashida sidoo kale doonayeen iney la wareegaan gacan ku heynta mandiqadda Xarshin oo iyadana kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya.

Balse dagaallo culus oo ay dadka deegaanka kala hortageen ciidankaas ayaa sababay in khasaare xooggan la gaarsiiyo maleeshiyaadka, waxaana bulshada oo iska diiday xukunka Liyu Bolis ay sheegeen ineysan yeeli doonin gumeynta ay wadaan ciidankaas oo ay gadaal ka riixeyso Dowladda Xabashida Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa soo bandhigay mid kamida gaadiidka dagaalka oo ay sheegeen iney ka qabsadeen maleeshiyaadkii soo weeraray deegaanka Dacawaley ee dhulka Soomaali-galbeed, kadib markii ay gaarigaasi isaga carareen cidanka Liyu Bolis.

Qaar kamid ah dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacawaley ayaa loo qaaday dhanka Balli-gubadle ee woqooyiga Soomaaliya, kana tirsan dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland, halka qaar kalana la geeyay magaalada Hargeysa.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Dacawaley islamarkaana siday dhaawacyada lasoo qaaday ayaa ka warbixiyay dagaalladii maanta dhacay, iyo hoosaasintii ay dowladda Xabashida Itoobiya ku dhagreysay dadka ku dhaqan mandiqaddaas.

Inkastoo maanta ay xaaladdu yara dagan tahay, haddana waxaa xilli waliba la filan karaa in dagaalladu ay dib uqarxaan, iyadoona dadka ay gabi ahaanba iska diideen maleeshiyaadka Liyu Boilis iyo ciidanka Xabashida ee duullaanka ku ah mandiqaddaas, waxaana dagaallada barbar socda tacaddiyo kale oo ay dowladda Itoobiya ka wado magaalooyinka iyo deegaannada kale ee dhulka Soomaali-galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here