Maxaa lagu soo Bandhigay Xalqadii 02-aad ee Tixanaha “Geedigii Gurguurte…Guul Mise Gebidhacleyn”(Warbixin).

18
0

Mu’assasada Al-Kata’ib garab warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay baahisay xalqadii Labaad ee taxanaha “Geedigii Gurguurte…Guul Mise Gebidhacleyn”, kaas oo ka koobnaan doona Shan xalaqo sida ay balan-qaaday Mu’assasada.

Filimka Labaad oo la daawan karo qadar Soddan iyo Todaba daqiiqo iyo Afartan iyo Afar ilbiriqsi, ayaa ugu horayntii waxa uu soo bandhigayaa bilawgii duulaankii qar iska xoornimada ahaa ee ay ciidamada dawladda Fadaraalka oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Turkiga ku soo qaadeen Wilaayaadka Islaamiga ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Bilawgii guluf warbaahinada dawladda Fadaraalka iyo kuw reer Galbeedka ayaa aad ubuun buuniyay duulaankaas, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo la arko ciidama Soomaaliyeed oo kaligood wajahaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse Al-Kata’ib ayaa tooshka ku ifisay qodabkaas, banaankana soo dhigtay ciddda dhabta ah ee soo qaaday gulufkaas, waxaana lagu arkayaa Filimka saraakiisha Afrikaanka iyo kuwa reer Galbeedka oo hor kacayo duulank, halka hawada sarana ay heehaabayaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Turkida.

Waxayna markalae Al-Kata’ib daaha ka qaaday saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada dawladda Fadaraalka oo ka marqaati kacaya, inay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka, waxaana halkaas ku beenoowday buulo xooftadii ahayd ciidamada dawladda Fadaraalka kiligood waa ku aadi karaan Al-Shabaab.

Balse waxa ay xeero iyo fadhaal kala dhacday marka ay ciidamada xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab silsilado weerarro kala dul-dhaceen xaryihii lagu soo daabulay ciidamada dawladda Fadaraalka iyo maleeshiyaadka Macawislayda.

Goodigii iyo gabgabtii madaxda dawladda fadaraalka waxaa xigay boroor iyo baa’ba lagu hoobtay, kaddib markii ay ciidamada dawladda Fadaraalka kusoo dhaceen dabinnadii ay udhigeen ciidamada Xarakada mujaahiidiinta Al-Shabaab.

Sanadkii  tagay 2023-ka ayaa ahaa sanad ay Xarakada Mujaahiidiinta Al-Shabaab ku tallaabsatay guulo waawayn, waxa uu ahaa sanad mart galiyaay malaaxim iyo macaarik ay ku hoobteen ciidamada dawladda Fadaraalka, waxa uu filimka soo sardiyay silsilado weerarro ah oo lagu xasuuqay ciidamada dawladda Fadaraalka iyo maleeshiyaadka macawisleyda, kuwaas oo dhacay sanadaha 2022-ka iyo 2023-ka .

Waxaana kamida deegaannada marti galiyay weerarro ay ku hoobteen ciidamada dawladda Fadaraalka: Cada Kibir, Ceel Qooxle, Yasooman, Beera Yabaal, Qaayib oo Labo mar ah, Burdaar, Nuur Dugle, Duduncad Hilowle Gaab iyo  Xawaadleey.

Marka uu halkaas maraya isdaarka waxa uu si gaar ah u dul istaagay, malxamadii Galcad taas oo ciidamada dawladda Fadaraalka ilawsiisay dharbaaxooyinkii ka horeeyay, waxaana dhagta dhiiga loogu daray in ka badan 150 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii Danab oo ay soo tababaratay dawladda Mareykan, iyadoo wax la qaniimaysto iyo wax lagubo ay noqdeen gaadiidkii ay wateen. Waxayna  macrakadaas fashilisay waxa ay dawladda fadaraalka ugu yeertay wajigii koobaad ee duulaanka.

Intaas kaddib waxaa isdaar lagu sheegay, in Saddax bilood guduhood lagu xasuuqay Boqolaal saraakiil ah oo muhiim u ahaa dawladda Fadaraalka, halka Kumanaan katirsanaa askarteedana ay uqayb sameen wax la laayo, kuwa gacanta lagu dhigo iyo kuwa firxad ku galo magaalada Muqdisho, iyadoo intaas ay dheertay, in laga faramaroojiyay saad iyo saanad wixii ay dawladaha shisheeya kusoo qalabeeyeen.

Warbaahinnadii shalay waday beenta iyo barobagaandada  afka ayaa juuqa gabay, waxaana bayjajkoodii qabsaday tacsiyada iyo baroorta ay madaxda dawladda Fadaraalka hawada usoo marsiinayaan askarta iyo saraakiisha ay xasuuqeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dawladda Fadaraalka ayaa markii intaas oo guul darro ah dhabarka loo saariyay, waxa ay ku dhawaaqday inay soo gabagabaysay wajigii koowaad ee dagaalka, iyadoo rabta inay duugta guul darradii ku habsatay dagaalkii Galcad, waxa uuna madaxwaynaha dawladda Fadaraalka ku dhawaaqay wajigii Labaad ee duullaanka, isagoona doorkaan wacad ku maray inuu tirtiraya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mar kale malatarika Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jilibka u aastay gulufkaan cusub oo ay soo qaaday dawladda Fadaraalka oo garab ka helaysa midaw Afrika iyo dawladaha reer Galbeedka, waxayna ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab mar kale dhiigooda iyo dhididkooda ku qoreen malaaxim iyo weerarro lagu daabacay safaxaadka taariikhda ee dhalaalaya, kuwaas oo lagu dilay Boqollaal askari oo katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana kamida goobaha marti geliyay weerarradaas: Ceelbacad, Daarunicma, Ruunirgood, Budbud, Masagawaa, Barujeed, Cawsweyne, Ceelqoxle iyo deegaano kale.

Weerarkii Cawsweyne ayaa ahaa malxamadii ugu waynayd ee dhabarka ka jebisay wejiga Labaad guluf dagaalkeedka uu Xasan Sheekh kusoo qaaday Wilaayaadka Islaamiga, ciidamadii dowladana waxay noqdeen mid la dilo, mid baxsada iyo mid geeri suge ah.

Waxaana intaa dheer in xeryihii ciidamada dawladda Fadaraalka ay isku badaleen dekedo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka daabulato gaadiidka dagaalka, hubka iyo rasaasta, dagaalkii Cawsweyne oo kaliya ayaa qaniimadiisa waxa ay celcelis ahaan  kor udhaaftay 23 Milyan, sida uu sheegay Sheekh Abuu Cabdi Raxmaan Mahad Warsame oo kamida mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ugu danbayntii isdaarka Labaad ee Mu’assasada Al-Kata’ib ayaa lagu soo gabagabeeyay “hadaba guul-darradii Galcad iyo Cawsweyne kaddib, waa maxay tiirka uu magan-galay Xasan Sheekh Maxamuud, ee uu doonayay inuu ku samato baxo, balse mar kale la dumay” waxayna Mu’assasada Al-Kata’ib ballan qaaday inay qodabkaas diiradda kusaari  doonto xalqada xigte ee taxanahaan Insha Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here