Dowladda Ereteriya oo Dalkeeda ka Mamnuucday Diyaarada Ethiopian Airlines.

63
0

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dowladda Ereteriya ee hoos yimaadda wasaaradda gaadiidka ee dalkaas, ayaa waxa uu gabi ahaanba mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, waxa warkaas lagu sheegay kadib markii lagu soo daabacay wargeyska ka soo baxa dalka Ereteriya ee Hadas.

Xukuumada Asmara ayaa ku eedeysay shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines in ay sameeyay xatooyada boorsooyinka rakaabka u dhashay dalka Ereteriya.

Xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa xumaaday ka dib markii Asmara ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda si buuxda ooga mamnuucday shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airlines!

Talabaada ay qaaday Asmara ayaa ah mid ay ku muujinayso mas’uuliyada ka saaran dadkeeda, halka shacabka Soomaaliyeed ay mar walba dhibaatooyin badan ay kala kulmaan shirkadaha diyaaradaha, sida kuwa dowladda Kenya oo ku caanbaxay in shaqaalahoodu ay xadaan boorsooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Bayaanka ka soo baxay Ereteriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here