Yahuudda oo ku Dhawaaqday inay ka Hortagtay Gantaal ka Yimid Yemen, Halka 18 Ruux ay ku Dhaawacmeen Isbuurasho.

7
0

Kooxaha gurmadk deg-degga ee Yahuudda ayaa sheegay, in 18 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasha, xilli ay ku sii jeedeen godadka duqeymaha looga gabado, kaddib markii gantaal laga soo riday Yemen subaxnimadii hore ee maanta, kaas oo ay ciidammada Yahuudda sheegeen in ay qabteen ka hor inta uusan gaarin dhulka ay Sahaayinada gumaysato ee Falastiin.

Arrintan ayaa timid saacado kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ay ku hanjabeen inay si deg-deg ah uga jawaabi doonaan weerarka ay Yahuudda ku qaaday Yemen, kaasoo sababay dhimashada ugu yaraan 6 qof iyo dhaawaca 40 kale.

Gantaalkan laga soo tuuray Yemen ayaa yimid kaddib markii shalay oo Khamiis ahayd ay Yahuudda weerar ku qaaday dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Yemen oo ay ka mid yihiin garoonka caalamiga ah ee Sanca.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu doonayay in uu diyaarad ka raaco garoonka markii la weeraray, isaga oo intaa ku daray, in xubin ka mid ah shaqaalihii diyaaradda uu dhaawacmay.

Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in marka laga soo tago bartilmaameedka garoonka ay weerar ku qaadeen kaabayaasha milateri ee dekedaha Xudeydah,Salif iyo Ras Kateeb ee xeebta Galbeed ee Yemen. Waxa ay intaas ku dareen in ay duqeeyeen xarumaha Korontada ee Haiz iyo Ras Kateeb.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday  fiidnimadii Khamiista ee lasoo dhaafay,  in duullaankii Yahuudda ay ku qaadday garoonka diyaaradaha ee Sanca iyo dhismayaal ku yaalla magaalada Xudeydah uu sababay dhimashada 6 qof iyo dhaawaca 40 kale.

Wasiirka Gaadiidka ee Xuuthiyiinta ayaa shalay u sheegay Wakaaladda Wararka ee Saba, in Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca iyo Dekedda Xudeyda ay si caadi ah u shaqeyn doonaan laga bilaabo maanta oo Jimco ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here