Sarkaal Ciidan oo Katirsan Maamulka Maxamuud Cabaas ee Daanta Galbeed oo Lagu dilay Magaalada Jenin.

9
0

Afhayeenka ciidamada ammaanka ee maamulka Maxamuud Cabaas ayaa shaaca ka qaaday in sarkaal ka tirsan waaxda amniga lagu dilay xerada Jenin ee Daanta Galbeed isagoo ku tilmaamay, inuu ahaa xubin muhiim ah oo katirsan saraakiisha ciidan ee sida aadka ah loogu tiirsanaa.

Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay, in iska hor imaadyo rabshado wata ay mar sii horeysay ku dhexmareen ciidamada ammaanka ee maamulka Maxamuud Cabaas  iyo dagaalyahanada wax iska caabinta ee ku sugnaa agagaarka xerada Jenin, dagaalkan ayaa socday in ka badan labo todobaad.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii maalin ka hor ay ilo deegaanka ah sheegeen, in qof Falastiini ah lagu dilay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee maamulkaas, kaddib markii ay Labo xabadood kaga dhufteen madaxa iyo xabadka intii uu socday iska horimaadka ka dhacay xerada Jenin.

Ciidamada guumaysi u kalkaalka ah ee Maxamuud Cabaas, ayaa sii wada waxa ay ugu yeereen howlgalada militari ee kaga hortagayaan Kooxaha Falastiiniyiinta, kuwaas oo ka socda xerada Jinin, halka kooxaha wax iska caabinta ah ee xeradan ka dagaalamayana ay kala hortageen dagaal adag, kuwaas oo gacan saar dhaw la leh Guutooyinka Al-Qudus oo ah garabka melleteri ee Xarakada Jihaad Islaam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here