Waa Maxay Calaaqada ka Dhexayso Suuratu Kahfi iyo Masiixu Dajaal, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil. (Maxaadaro)

24
0

Suuratu Kahfi waa Suuradda 18 ee Qur’aanka Kariimka Aayadaheeduna waa 110 Aayadadood, culimada tajwiid waxa laga soo wariyay inay dhaheen kala barka xuruufta Qur’aanka waa (ت) ku jirta kalimadda (وليتلطف) oo kamida Suuratu Kahfi.

Waxaa Rasuulka naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee ka sugnaatay Axaadiis tilmaayso qofkii xifdiya 10-ka Aayadadood ee ugu horeeya  Suuradaan, in laga badbaadinayo fitnada Masiixu Dajaal, oo ah kan ugu sharbadan axad la sugo.

Sida aan wada ognahay Suuratu Kahfi waxa ay ka hadashay qisooyin dhawr ah oo ay kamid yihiin.

1: Qisatu Asxaabul-Kahfi

2: Qisatu saaxibul janatayn

3: Qisatu Nabi Muuse iyo Khadir

4: Dul-Qarnayn

5: Ya’juuj wama Juuj

Iyo kuwa kale oo ay suuraddu ishaartay.

Hadaba waxaa iswaydiin leh waa maxay calaaqada ka dhexayso suuradda iyo Masiixu Dajaal, maadaama aysan suuraddu ka hadlin qisadiisa. Waxaa arintaas sharaxaya Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here