Ciraaq oo Beenisay inuu Dalkeeda usoo Baxsaday Maher Al-Asad.

8
0

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa ku dhawaaqay, in Maher Al-Asad uusan gelin dalka Ciraaq, kaddib Burburkii nidaamkii Bashaar Al-Asad, halka waxyaabaha ay warbaahintu tabinaysana uu ku tilmaamay mid been abuur ah.

Al-Sudani waxa uu yiri mar uu waraysi siinayay wakaaladda wararka ee Ciraaq, “dawladda Ciraaq waxa ay ixtiraamaysaa rabitaanka Suuriya, waxayna rajaynaysaa hannaan siyaasadeed oo dhammaystiran,” waa siduu warka udhigaye.

kaddib Burburkii lama filaanka ahaa ee ku yimid maamulkii Bashaar Al-Asad, warbaahinnada qaarkood waxa ay daabaceen xogo sheegaya, in Maher Al-Asad uu u baxsaday dalka Ciraaq, kaddibna uu u jihaystay dhinaca buuraha Qandil ee ku yaalla xuduudka Ciraaq iyo Iran, si kastaba ha ahaatee, warbixinnadaas midkoodna ma sheegin macluumaad la xaqiijiyey oo ku saabsan arinkaas.

Hadalka Al-Sudani waxa uu ku soo beegmayaa saacado kaddib, markii wefti ka socday  Ciraaq uu booqday magaalada Dimishiq, iyagoona la kulmay madaxa maamulka Suuriya, Axmed Al-Sharaa, Wasiirka Arrimaha dibadda Suuriya, Asaad Al-Shaibani, iyo madaxa sirdoonka, Anas Khaddab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here