Ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa Aljazeera u sheegay, in tiro ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Kamaal Adwan ee ku yaalla magaalada Jabalia ee Waqooyiga Marinka Qaza ay ku gubteen, weerar ay ciidammada Yuhuuddu ku gubeen isbitaalka, kaas oo ku fiday qaybo badan oo ka mid ah Isbitaalkan.
Goor sii horeysay, wariyaha Aljazeera ayaa sheegay in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay gubeen isbitaal Kamaal Adwaan, saacado kaddib markii ay go’doomiyeen, waxayna ku amreen maamulka in laga saaro isbitaalka shaqaalaha caafimaadka, bukaanada iyo dadkii la socday, iyadoo ay taasi barbar socotay rasaas xooggan oo ay ridayeen taangiyada ciidamada Yahuudda ee ku hareeraysnaa isbitaalka.
Kalkaaliso katirsan shaqaalaha Isbitaalka Kamaal Adwan oo lagu magacaabo Shorouk Al-Rantisi, ayaa wareysi ay siisay weriyaha Aljazeera ku sheegtay, in ciidamada Yahuuddu ay weerar ku qaadeen shaqaalaha isbitaalka, isla markaana ay gubeen dhammaan agabkii lagu shaqaynayay.
Waxa ay intaasi ku dartay in Ciidamadii qabsaday Isbitaalka ay xireen Dr. Hossam Abu Safiya oo ahaa Agaasimihii Isbitaalka Kamaal Adwan, waxaana ay kaxeysteen isaga iyo tiro kale oo isugu jira Shaqaale, Barakacayaal iyo Bukaanno, illaayo hadana lama oga meesha ay geeyeen.
Maamulka Sahaayinada oo ka warbixinayay weerarka ay ku gubeen isbitaalka Kamaal Adwan ayaa sheegay, inay isbitaalkan uu hoy u ahaa kooxaha muqaawamada Falastiiniyiinta ee dagaalka adag kula jira ciidamada gumaystaha ah ee Yahuudda.